(Champ’ League) 28 Nof 2018. Macalinka reer Talyaani iyo kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa xaqiijiyay in Cristiano Ronaldo uu door weyn ee muhiim ah ku yeeshay safka Bianconeri, kadib markii uu si weyn kaga caawiyay guushii ay xalay kaga gaareen Valencia tartanka Champions League.
Cristiano Ronaldo ayaa ka caawiyay saaxiibkiis Mario Mandzukic goolka kaliya ee kulankan ka dhashay, taasoo ka caawisay kooxda Juventus inay u gudbaan wareega xiga 16-ka ee tartanka Champions League.
Hadaba kulanka kadib ayuu macalinka reer Talyaani iyo kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri wuxuu kala hadlay saxaafada dhowr arimood muhiim ah ee ku saabsan kooxdiisa Bianconeri.
“Valencia waxay u muuqatay inay ku jirto qaab ciyaareed fiican, waxay heysataa difaaca ugu fiican Spain, ma ahan wax sahlan inaad gool ka dhaliso ma ahan wax sahlan, sababtoo ah waxay ku difaactamayaan 6 ciyaaryahan, waxayna ku weerar tamayaan 4 xidig”.
“Waxaan si aad ah u ciyaarnay qeybta labaad ee ciyaarta, waxaan helnay wadadii aan ku guuleysan lahayn, waxaana muhiim ahayd inaan sidaas sameyno”.
“Cristiano wuxuu ina siinayaa dareen aaminaad iyo kalsooni ku dheehan, laakiin sidoo kale kooxda way xooganeed kahor inta uusan imaanin”.
Intaas kadib Massimiliano Allegri ayaa wuxuu ka hadlay sababta uu ciyaarta kaga saaray Alex Sandro wuxuuna yiri: “Alex Sandro wuxuu dareemay xanuun, waxaana go’aansaday inaan ciyaarta ka saaro”.
Si kastaba Juventus ayaa markan isku diyaarineysa in kulankeeda ugu dambeeya ee Group H ay kula ciyaarto kooxda Young Boys, waxay u baahan tahay inay guul gaarto si kaliya ay u ilaashato hogaankeeda Group-kan.
Gool FM.