Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Muxuu ka yiri Guardiola kulanka habeen dambe ay marti qaadi doonaan kooxda Barcelona?

$
0
0

(Manchester) 31 Okt 2016 Tababaraha kooxda Man City Pep Guardiola ayaa ka hadlay kulanka habeen dambe ay kooxdiisu marti qaadi doonto kooxda Barcelona.

Barca ayaa 4-0 ku soo khaarijisay kulankii lugta hore kooxda Man City, Pep iyo wiilashiisa ayaana doonaya inay aarsadaan guul daradii ka soo gaartay Camp Nou.

“Waan garanaynaa iyaguna waa ay nagaranayaan, laakiin suurogal ma ahan in lagu tashto kubadda cagta, waa kulan muhiim ah oo ay waajib tahay inaan ciyaarno” ayuu yiri tababare Pep ka hor kulanka.

“Wax badan ayaa horteena ah si aan u barano waayo waxaa nalooga soo adkaaday 4-0, waxaan ku soo bartay Camp Nou inaan heli karno daqiiqado yar oo aad u fiican, waan arkay qatarta weerarkooda, gaar ahaan marka aysan wadan kubadda”.

“Marka laga soo tago natiijadii nalooga soo adkaaday, waxaan rumaysanahay inaan sifiican ula tartami karno, waxaan doonayaa inaan sifiican u ciyaarno, waa inaan foojignaanaa oo aan soo bandhignaa wax ka fiican wixii aan ku soo bandhignay Barcelona”.

“Waxaan rumaysanahay inaan wax kabaranay wixii hore, markii hore tababarihii hore ee Manuel Pellegrini haatana waa aniga”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles