Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Koobka Champions League kama foga kooxda Juventus iyo Cristiano Ronaldo” – Marcelo

$
0
0

(Yurub) 09 Agoosto 2019. Daafaca dambeedka bidix ee reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa aaminsan in koobka Champions League uusan ka fogeyn Juventus.

Marcelo ayaa tilmaamay in saxiixa xiddigii reer Portugal Cristiano Ronaldo ee Juventus ay ka dhigeyso, in riyada kooxda reer Talyaani ee ah inay ku guuleysato koobka Champions League ay markan soo dhowaatay.

Kooxda Juventus ayaa la saxiixatay Cristiano Ronaldo xagaagii 2018, isaga oo kaga soo biiray Real Madrid adduun dhan 105 milyan oo euro si uu ugu guuleysto Champions League, inkastoo xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ay ku fashilmeen, hadana waxaa la fahansan yahay in kooxda reer Talyaani ay kan soo socda si xoogan ugu dagaalami doonto.

Hadaba Marcelo oo Cristiano Ronaldo ka soo garab ciyaaray inta u dhexeysay 2009 ilaa iyo 2018 ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “La Gazzetta dello Sport” ee dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay:

“Kooxda Juventus waxay ku dhowdahay inay ku guuleysato Champions League, labo jeer waxay gaartay finalka, balse inaad ku guuleysato waa arrin dhib badan”.

“Laakiin kaddib markii ay sameeyeen saxiixa Cristiano Ronaldo, xaqiiqdii waxaa sii korartay, rajada ay ka qabaan inay ku guuleystaan koobka Champions League”.

Intaas kaddib Marcelo ayaa wuxuu ka hadlay wararka la xiriirinaya in Cristiano Ronaldo uu kula midoobi doono horyaalka Talyaaniga wuxuuna yiri:

“Waa tartan aan jeclahay, horyaalka Serie A wuxuu soo laabtay xili ciyaareekii lasoo dhaafay, wuxuuna markale dib u helay awoodiisii iyo qiimihii uu lahaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Marcelo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles