Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Antonio Conte oo ka hadlay guuldaradii ay xalay kala soo kulmeen kooxda Barcelona

$
0
0

(Yurub) 03 Oct 2019.Tababaraha kooxda kubadda cagta Inter Milan ee Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa aysan u qalmin inay guuldaro ka soo gaarto Barcelona kulankii ay xalay ku wada ciyaareen garoonka Camp Nou.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul muhiim ah kaga gaartay naadiga Inter Milan garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, kulankooda 2-aad GROUP F ee tartanka Champions League.

Antonio Conte ayaa kaddib markii ay ciyaarta dhamaatay wuxuu u sheegay shbakada “Sky Sports” inaysan u qalmin guuldaradii ay kala kulmeen Barcelona wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa inaan guuldaradan u qalmin, Barcelona ma aheyn inay ku guuleystaan saddexda dhibcood, laakiin waa inaan iska iloownaa wixii dhacay oo aan sii wadnaa shaqada, waa inaan noqonaa kuwo xoogan isla markaana aan si wadnaa qaabka aan ku bilaabanay xilli ciyaareedkan”.

“Haa, waxaan helnay amaan ku saabsan wixii aan qabanay, kaasoo ah wax aad u fiican, laakiin qaab ciyaareedkan aan sameynay kaddib waxaan u qalanay wax badan”.

“Waxay aheyd inaan ka faa’ideysano fursado badan oo aan ku helnay afaafka hore ee goolka Barcelona”.

“Waxaan Barcelona halis weyn ku galinay waqti dheer bartamaha garoonkooda, laakiin qeybtii nasashada kaddib waxaa isbadashay kooxda naga soo horjeeday, waxayna nagu garaaceen daalka ay qabeen qaar ka mid ah ciyaartoydeyda”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles