(Manchester) 21 Oct 2019. Macalinka Manchester City ee Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in kooxdiisa aysan diyaar u aheyn ku guuleysiga xilli ciyaareedkan koobka tartanka Champions League, inkastoo ay xaqiiqda tahay in sky blue ay qeyb ka tahay musharaxiinta ugu awooda badan ee ku guuleysan kara koobka, marka loo fiiriyo magacyada xiddigaha uu heysto iyo qaab ciyaareedka awooda leh ay kooxdiisa soo bandhigto kulamada ay ciyaarayaan.
Manchester City ayaa ku guuldarreysatay inay ku guuleysato koobka Champions League seddexdii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay ee uu macalinka u ahaa Pep Guardiola, laakiin waxay awood u yeesheen inay ku guuleystaan horyaalka Premier League laba jeer oo isku xigta, sidaa darteed saxaafadda iyo dadweynaha ayaa waxay diiradda saari doonaan guushooda xilli ciyaareedkan ee tartamada Yurub.
Pep Guardiola ayaa wuxuu aaminsan yahay in kooxdiisu ay leedahay meel ay daciif ka tahay run ahaantii taasoo ah taasoo ah luminta fursadaha goolka hortiisa ah, isagoo tilmaamay inay caqabad ku tahay hankooda ah inay ku guuleystaan koobka Champions League hadii aan si dhaqso ah wax looga qaban.
Pep Guardiola ayaa wareysi uu ku bixiyay warbaahinta wuxuu ku sheegay:
“Dadku waxay sheegaan in tartanka Champions League uu yahay ujeedka ugu weyn, laakiin wali diyaar uma nihin”.
“Waxaan abuurnaa fursado badan, laakiin waan sii wanaajin karnaa, waxaan dhalinay goolal badan labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, shaki igaagama jiro taas, laakiin waa inaan sii wadnaa”.
“Waxaan qasaarinay fursado badan, waxaana inbadan oo kamid ah ku luminay gudaha xerada ganaaxa, waa inaan noqonaa kuwo leh go’aan qaadasho weyn”.
Gool FM.