(London) 06 Nof 2019. Macalinka Chelsea ee Frank Lampard ayaa sheegay in kooxdiisa ay ku hor dhibtootay naadiga Ajax Amsterdam kulankii tartanka Champions League ay xalay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge.
Kooxda reer Holland ee Ajax ayaa taako u dhigtay naadiga ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chalsea oo ku ciyaareysay garoonkeeda Stamford Bridge, kaddib markii ay ku kala baxeen barbaro 4-4 ah, goolasha Blues waxaa u kala dhaliyay Jorginho oo 2 gool ah, Reece James iyo Cesar Azpilicueta.
Hadaba macalinka reer England ee kooxda Chelsea Frank Lampard ayaa u sheegay warbaahinta:
“Waxaan si isku mid ah u dareemayaa niyadjab iyo farxad, waan ku faraxsanahay soo laabashada ay kooxda sameysay kaddib qeybta hore ee ciyaarta”.
“Laakiin sida ku xusan sheekada ciyaarta, waxay qeybta hore ee ciyaarta ku dhamaan kartay barbaro 3-3 ama 4-4 ah, waxaan la dhibtoonay nasiib xumo iyo jahwareer, qeybtii hore waxaana qabaa inaan si fiican u ciyaarnay”.
“Waxaan hagaajinay boosaska, waxaana ku guuleysanay inaan soo laabano, laakiin aad ayaan uga xumahay sababtoo ah waan awoodi weynay inaan guul gaarno isla markaana aan helno saddeda dhibcood 10-kii daqiiqo ugu dambeysay ee dheesha”.
“Laakiin ugu dambeyntii waa inaan ku fikirnaa in kooxda Ajax ay ciyaarta ku hogaamineysay saddex gool, waxaana ku guuleysanay inaan ka soo laabano, waxay ahayd ciyaar runtii waali ah”.
Gool FM.