Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa toddobaadkan Champions League oo la shaaciyay

$
0
0

(Yurub) 08 Nof 2019. Waxaa lagu dhawaaqay xiddiga ku guuleystay abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulamadii afaraad ee toddobaadkan laga ciyaaray heerka group-yada tartanka Champions League.

Xiriirka Kubadda Cagta Yurub ee “UEFA” ayaa ku dhawaaqay in xiddiga kooxda Real Madrid ee reer Brazil Rodrygo loo caleemo saaray abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicanaa kulamadii toddobaadkan laga ciyaaray tartanka Champions League, kaddib bandhigii fiicnaa uu ku hor sameeyay naadiga Galatasaray.

Xiddiga reer Brazil ee Rodrygo ayaa gacan weyn ka geystay guushii weyneyd ay Raal Madrid 6-0 kaga gaartay kooxda Galatasaray inta lagu gudi jiray kulankooda afaraad ee heerka group-yada tartanka Champions League, isagoo dhaliyay saddex gool, wuxuuna noqday da’ayarkii labaad taariikhda Los Blancos ee ku dhaliya hal kulan saddex gool kaddib Raúl González.

Rodrigo Goss kaliya seddex gool ma uusan dhalinin, laakiin wuxuu sidoo kale caawiyay goolkii uu dhaliyay weeraryahanka reer France ee Karim Benzema, taasoo ka dhigtay inuu ka qeyb qaatay afar gool kulankaas.

Yeelkeede, Rodrygo ayaa abaal-marinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa kulamadii toddobaadkan laga ciyaaray Champions League, wuxuu ku garaacay xiddigaha kala ah Keylor Navas (PSG), Heung-min Son (Tottenham Hotspur), iyo Achraf Hakimi (Borussia Dortmund).

Image result for Rodrygo Keylor Navas Heung-min Son and Achraf Hakimi

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles