(Yurub) 27 Feb 2020. Macalinka reer Germany ee Bernd Schuster ayaa xaqiijiyey inuusan fileynin in koox Isbaanish ah ay ku guuleysan doonto tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkan, sababa la xiriira qaab ciyaareedka xishoodka leh ay soo bandhigayaan kooxaha ka soo qaybgalay.
Real Madrid ayaa guuldarro kala kulantay kooxda Manchester City garoonkeeda Santiago Bernabeu, halka Barcelona ay bar-bardhac la soo gashay naadiga Napoli oo ay booqatay, si la mid ah Valencia ayaa guuldarro 4-1 ah kala kulantay kooxda reer Talyaani ee Atalanta isbuucii la soo dhaafay.
Haddaba wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadalada Bernd Schuster kaddib wareysi uu bixiyay waxaana uu yiri:
“Kooxaha reer Spain waxay bixinayaan qaab ciyaareed daciif ah guud ahaan, mana u maleynayo inaan arki doono kooxaha ka ciyaara horyaalka Spain ee ku guuleysanaya koobka Champions League xilli ciyaareedkan”.
“Ma rumaysneyn awooda Bayern Munich in mudo ah, laakiin hadda waxay bixineysaa bandhigyo aad u xoogan, waxaana loo arkaa mid ka mid ah musharixiinta ugu cad cad”.
Dhinaca kale Macalinka reer Germany ee Bernd Schuster ayaa tilmaamay dhibaatada heysata kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:
“Dhibaatada Real Madrid heysata ayaa ah inay la’adahay weeraryahan heersare ah tan iyo markii uu ka tagay Cristiano Ronaldo”.
“Wixii ku dhacay Real Madrid kulankii Champions League wax saameyn ah kuma yeelan doonto kulanka El Clásico, aniga ahaan kulankan wuu ka duwan yahay, labada kooxood waxay la tacaalayaan dhibaatooyin, laakiin kooxda ku ciyaareysa garoonkeeda ayaa heysan doonta dhiiranaan yar.”
Gool FM.