(Yurub) 02 Dis 2020. Waxaa halkaan idin kula wadaagi doonaa siddeeda Kooxood ee u soo baxay illaa iyo haatan wareegga 16-ka Champions League iyo kuwa xaqiijiyey inay tartankan koobka horyaallada Yurub isaga hareen.
Siddeeda kooxood ee u soo gudbay wareegga 16-ka Champions League saddex ka mid ah waa Ingiriis, halka labo kalena ay yihiin Isbaanish.
Marka loo eego kooxaha xaqiijiyey inay soo baxaan, waxaana haray tiro intaas la mid ah oo siddeed kooxood ah inay ku soo biiraan kooxaha u gudbay 16-ka Champions League.
Labada kooxood ee xalay soo gudbay kuna biiray siddeeda kooxood ee u soo baxay wareegga bug-baxa Champions League ayaa waxa ay kala yihiin Liverpool iyo FC Porto.
Reds ayaa 1-0 ku dhufatay Ajax oo marti ugu ahayd garoonka Anfield, waxaana ay iska xaadiriyeen wareegga 16-ka Chamions League iyagoo guruubkooda D ku horkacaya 12-dhibcood kaddib shan kulan oo ay ciyaareen.
FC Porto ayaa iyana kula biirtay Manchester City wareegga 16-ka Champions League kaddib markii ay labada kooxood xalay ku kala baxeen barbaro goolal la’aan ah, waana labada kooxood ee ka soo baxay Guruubka C.
Halkaan hoose ka eeg siddeeda kooxood ee illaa iyo haatan u soo baxay wareegga 16-ka Champions League:-
Bayern Munich
Man City
Porto
Liverpool
Chelsea
Sevilla
Barcelona
Juventus
Waxaa jira kooxo kale oo iyaguna xaqiijiyey inay isaga hareen tartanka Champions League, waxaana kooxaha xaqiijiyey illaa iyo haatan inay hareen ay kala yihiin:-
Lokomotiv Moscow
Olympiacos
Marseille
Midtjylland
Krasnodar
Rennes
Zenit
Dynamo Kiev
Ferencvaros
Gool FM.