Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Jose Mourinho oo xalay ka caawiyay Chelsea inay celiso Barcelona (Sidee)???

$
0
0

(London) 21 Feb 2018 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa xalay ka caawiyay kooxdiisii hore inay celiso Barcelona.

Chelsea ayaa gool kala hormartay Barcelona xili xamaasad badan laga dareemayay kooxda martida loo ahaa ka hor intii Messi uusan ka dhalin goolka barbaraha.

Wargayska Sport ayaa baahiyay arin kale oo aan si wayn loogu baraarugin, waxaana la ogaaday in Chelsea ay adeegsatay xeeladii Mourinho uu adeegsan jiray marka uu ka hortagayo Barcelona.

Image result for Mourinho vs Barcelona

Cowska garoonka ayaa ahaa mid aad u dhaadheer, sidoo kale wuxuu ahaa mid qalalan oo u muuqday sida meel howd ah oo kale sida lagu sheegay warbixinta wargayska.

Ciyaartoyda Barcelona ayaa ku dhibtooday inay kubaddooda saxda ah ku soo bandhigaan Stamford Bridge xalay maadama garoonku uu ahaa mid qalalan isla markaana cowsku uu ahaa mid dhaadheer.

Waxaana la arkayay shaqaalaha garoonka oo durba cowska jaraya kadib dhamaadkii ciyaarta, xeeladaan ayaa ah tii tababare Mourinho uu adeegsan jiray waqtigiisii Real Madrid gaar ahaan marka Barcelona ay kooxdiisu ku marti qaadayso Bernabeu.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles