Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Muxuu ka dhignaa goolkii uu xalay Cristiano Ronaldo ka dhaliyay naadiga Villarreal?

$
0
0

(Manchester) 24 Nof 2021. Laacibka kooxda Manchester United ayaa sidii caadada u ahayd sare usii qaaday rikoorradiisa kubadda cagta isagoo haatan taariikh kale ku sameeyay goolkii uu xalay ka dhaliyay naadiga Villarreal.

Ronaldo ayaa hoggaanka u dhiibay Man United oo marti ahayd qaybtii labaad ee ciyaartii ka tirsaneyd kulammada shanaad ee wareegga guruubyada tartanka Champions League taasoo ay kooxdiisa ku adkaatay 2-0 xilli goolkii labaad uu raacsaday Jadon Sancho oo shabaqa taabsiiyay goolkiisii ugu horreeyay ee Red Devils.

Sidaas darteed, goolkii uu dhaliyay kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa ahaa goolkiisii 800-aad ee xirfaddiisa kubadda cagta marka la isku daro heer naadi iyo heer qaranba sida ay qabto Jariiradda Marca, sidoo kale goolkaas ayaa ahaa midkii 140-aad ee uu ka dhaliyo tartanka Champions League.

CR800: Cristiano Ronaldo reaches another milestone with Villarreal strike | Marca

Si kastaba ha ahaatee, shan ka mid ah goolasha xirfaddiisa guud waxa uu u dhaliyay naadiga Sporting CP, 128 waxa uu u dhaliyay Manchester United, 451 ayuu u dhaliyay Real Madrid, 101 gool ayuu u dhaliyay Juventus halka 116 gool uu u dhaliyay qarankiisa Portugal.

Marka laga soo tago Jariiradda Marca ee dalka Spain oo shaacisay in Ronaldo uu gaaray xalay goolkiisii 800-aad ee xul iyo kooxba haddana Wargeysyada kale gaar ahaan kuwa Ingiriiska waxa ay warinayaa in Ronaldo uu haatan marayo 799 gool, isla markaana uu hal gool kale u baahan yahay si uu u gaaro 800 oo gool.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles