Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Real Madrid, Liverpool iyo Man City oo guulo gaaray & guud ahaan natiijooyinka kulammadii caawa laga ciyaaray tartanka UCL… SAWIRRO

$
0
0

(Yurub) 24 Nof 2021. Kulammo ka tirsan wareegga guruubyada tartanka Champions League ayaa caawa laga ciyaaray garoommo kala duwan oo ku yaalla dalalka qaaradda Yurub.

Kooxaha Real Madrid, Liverpool, Manchester City, Milan, Inter, Paris Saint-Germain ayaa ugu madax fiiqnaa kooxaha caawa ka ciyaaray kulammada shanaad wareegga guruubyada ee tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka soo heshay kooxda FC Sheriff oo ay booqatay kaddib markii ay kaga soo adkaatay 0-3, waxaana goolasha Blues u kala dhaliyay xiddigaha kala ah Benzema, D. Alaba iyo T. Kroos.

Dhankeeda kooxda Liverpool ayaa guul kaga gaartay Anfield naadiga FC Porto, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, waxaana goolasha u kala dhaliyay xiddigaheeda Alcantara iyo Mohamed Salah.

Si la mid ah kooxda Manchester City ayaa guul ay u qalantay ka gaartay Paris Saint-Germain oo marti u ahayd, waxayna kaga adkaatay 2-1, iyadoo goolaasha City ay u kala dhaliyeen Sterling iyo Jesus, halka goolka PSG uu dhaliyay Mbappe, balse labada kooxood ayaa u gudbay wareega xiga 16-ka ee tartanka, iyadoo City kaalinta koowaad kaga soo baxday group-ka.

Haddaba halkan hoose ka eeg natiijooyinka dhammaan kulammadii caawa laga ciyaaray wareega Gruubyada ee tartanka Champions League:

Group A –

Club Brugge 0-5 RB Leipzig

Manchester City 2-1 Paris Saint-Germain.

Group B–

Atletico Madrid 0-1 AC Milan.

Liverpool 2-0 FC Porto.

Group C–

Besiktas 1-2 Ajax

Sporting CP 3-1 Borussia Dortmund.

Group D–

Inter 2-0 Shakhtar Donetsk

FC Sheriff 0-3 Real Madrid.

SAWIRRO:

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles