Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all 2505 articles
Browse latest View live

Shaxda rasmiga ah kulanka kooxaha Paris Saint-Germain Vs Manchester United

$
0
0

(Champions League) 06 Maarso 2019. Kooxaha Paris Saint-Germain Vs Manchester United ayaa soo saaray shaxda ay ku ciyaarayaan kulanka Champions League ee soo galaya goor dhaw.

Hadaba dhanka hoose kaga boggo Shaxda Paris Saint-Germain Vs Manchester United:

Paris Saint-Germain XI:

Manchester XI:

Gool FM.

 


Shaxda rasmiga ah kulanka kooxaha FC Port Vs Roma

$
0
0

(Champions League) 06 Maarso 2019. Kooxaha FC Port Vs Roma ayaa soo saaray shaxda ay ku ciyaarayaan kulanka Champions League ee soo galaya goor dhaw.

Hadaba dhanka hoose kaga boggo Shaxda FC Port Vs Roma:

FC Port XI:

Roma XI

Gool FM.

Manchester United oo soo laabasho cajiib ah sameesay, kadib markii ay si waali ah kaga adkaatay kooxda PSG + SAWIRO

$
0
0

( Yurub ) 7 March 2019 kooxda manchester United ayaa xilfaha u qaaday kooxda PSG iyada oona uga adkaatay 3-1 balse wadarta goolasha ee labada kulan ayaa ah (3-3) United ayaa kus oo baxday qaab sharci ah iyada oo loo fiirinayo goolasha ay bananka ku soo dhalisay .

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan kooxda Manchester United ayaana la timid labo gool qeebtii koowaad ee ciyaarta wallow laga kubad qurux badnaa .

Romelu Lukaku ayaa furay goolka koowaad ee kooxdiisa daqiiqadii 2-aad ee ciyaartaba kaddib markii ay qald sameeyeen daafacyada kooxda PSG ,  kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayey ee PSG ayaa sameesay weeraro aad ubadan ugu dambeena waxa ay heleen goolka bareejada waxaana u dhaliyey daafac dambeedka bidix juan Bernat daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas caawiyey Kylian Mbapp.

Romelu Lukaku ayaa markale ka faa’ideysaty kubad ka fara baxsatay goolhey Gianluigi Buffon waxa uuna ciyaarta ka dhigay 2-1 , qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaana lagu kala maray United oo labo gool la horkaceysa iyo PSG oo la timid gool .

Nasiini kaddib waxa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta xili ciyaartoyda labada koox ay soo qaateen taalooyin wax ku ool ah .United ayaa sameesay dadaalo badan wallow kooxda PSG ay sameesay difaacsho diican .

dhamaadkii ciyaarta kooxda Manchester United ayaa heshay rigoore waxaana u dhaliyey Rashfor natiijada ciyaarta ayaana noqotay (3-1) , ciyaartoyda PSG waxaa ku dhacay niyad jab iyo layaab waxaan ka soo haray in ay qabsadaan madaxyada .

ugu dambeen ciyaarta ayaa ku dhamaatay (3-1) balse marka laga eego wadarta goolasha ee labada kulan ayaa ah (3-3) Manchester United ayaana ugudubtay wareega xiga ee siddeeda tartanka Champions league.

 

0

 

 

GOOL FM

 

Muxuu ka yiri Thomas Tuchel guuldaradii niyad jabka ahayd ay xalay kala kulmeen kooxda Manchester United???

$
0
0

(Yurub) 07 Maarso 2019. Macalinka kooxda Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel ayaa sheegay inuusan iloobi doonin inta ka dhiman noloshiisa kulankii xalay ka dhacay garoonka Parc des Princes.

Thomas Tuchel ayaa dhinaca kale sheegay in natiijada ay ku dhamaatay ciyaartii dhex martay kooxaha PSG iyo Manchester United aysan ahayn mid caqli gal ah.

Manchester United ayaa u soo baxday wareega siddeeda ee tartanka Champions League ka dib markii ay 3-1 kaga adkaatay kooxda Paris Saint-Germain.

Inkastoo lugta koowaad ay kooxda Paris Saint-Germain kaga soo adkaatay 2-0 Manchester United garoonkeeda Old Trafford, hadana United-ka ayaa usoo baxday wareega siddeeda kadib markii lugta labaad ay ku adkaatay 3-1, wadar ahaan natiijada labada kulan ayaa noqotay 3-3.

Hadaba tababare Thomas Tuchel ayaa ciyaarta kadib kala hadlay saxaafada dareenkiisa wuxuuna yiri:

“Ma sharxi karo waxa ka dhacay ciyaartan, waa ciyaar aan caqli-gal ahayn, waa natiijo aan fiicneyn”.

“Nasiibka ayaa wuxuu doonay in ay guuleysato Manchester United, marka loo fiiriyo waxa ka dhacay kulankan, sababtoo ah Unitedka ma aysan sameynin fursado inta lagu jiray kulanka , laakiin waxay u dhaliyeen seddex gool siyaabo kala duwan”.

Gool FM.

Tababare Solskjær oo shaaca ka qaaday doorka ay kooxaha Real Madrid iyo Ajax ka ciyaareen guushii ay xalay ka gaareen PSG

$
0
0

(Yurub) 07 Maarso 2019. Tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjær ayaa shaaca ka qaaday doorka ay Real Madrid iyo Ajax ka ciyaareen inay u soo baxaan wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League.

Kooxda Manchester United ayaa guul dahabi ah kaga soo gaartay Paris Saint-Germain garoonkeeda Parc des Princes 3-1, xili kulankii lugta hore ay ku soo badisay kooxda reer France 2-0.

Hadaba tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa ciyaarta kadib kala hadlay saxaafada dareenkiisa farxadeed kadib guusha taariikhiga ah ay ka gaareen kooxda PSG wuxuuna yiri:.

“Manchester United ma ahayn kooxda loo saadaalinayay inay guuleysan doonto kulankan, laakiin guushan waa mid munaasab ah, iyadoo ay ciyaarta qeyb ka ahaayeen dhowr ciyaartoy ee da’ayar ah”.

“Waxaan soo galnay ciyaarta iyadoo aysan jirin waxaan ku guuldareysan doono, waxaan u sheegnay iyaga, sameeya waxa aad awoodaan, laakiin waa inaan sameynaa difaacasho fiican isla markaana aan u orodnaa, si aan horey loo sameynin, waxaan heli doonaa fursado ee ka faa’ideysta”.

“Waxa ka dhacay kulankii Real Madrid iyo Ajax waa mid ka mid ah waxyaabaha aan ka wada hadalnay ciyaarta ka hor, waxaana ugu dambeyntii ku guuleysanay inaan sameyno habeen gaar u ah kooxda Manchester United”.

Gool FM.

 

Neymar oo si kulul u weeraray garsoorayaasha, kadib markii ay xalay PSG ka hartay tartanka Champions League

$
0
0

(Yurub) 07 Maarso 2019. Laacibka reer Brazil ee Neymar Jr ayaa weerar culus ku qaaday garsoorkii xalay dhex dhexaadinayay kulankii dhex maray kooxaha PSG iyo Manchester United.

Kooxda Manchester United ayaa guul dahabi ah kaga soo gaartay Paris Saint-Germain garoonkeeda Parc des Princes 3-1, xili kulankii lugta hore ay ku soo badisay kooxda reer France 2-0.

Hadaba Neymar Jr oo sababa la xiriira dhaawac kaga maqnaa kulankan ayaa ciyaarta kadib si kulul kaga hadlay rigooradii xalay lagu ciqaabay kooxdiisa PSG.

Xidiga reer Brazil ayaa fariin uu soo dhigay boggiisa Instagram-ka wuxuu ku dhaleeceeyay garsoorka ciyaarta wuxuuna yiri:

“Tani waa ceeb, waxay soo dhigeen 4 nin (garsoorayaal) aanan fahansaneyn kubadda cagta”.

“Sidee loogu xisaabin karaa dhacdadan rigoore, sideese ayuu gacantiisa u marsiin karaa dhabarkiisa dambe”.

Gool FM.

Neymar oo taageero wayn ka helay labo Halyeey oo soo maray Man United kaddib markii uu si xun u weeraray Garsoorayaasha kulankii Xalay

$
0
0

(Europe) 07 Maarso 2019. Manchester United ayaa xalay si lama filaan ah ugu soo gudbtay wareega sideed dhammaadka Champions League kaddib markii ay 3-1 uga adkaadeen PSG oo joogta mininkeeda.

Cidna ma saadaalineyn inay soo bixi doonto United oo gurigeeda 2-0 looga soo adkaaday lugtii hore, balse rigoore muran badan dhalisay oo ay heleen daqiiqadihii lagu daray ciyaarta ayaa ka saaciday inay u soo baxaan Quarter Final ka CL.

Neymar oo ciyaarta kor ka daawanayay maadaama uu dhaawac ku maqnaa ayaa si xun u weeraray garsoorayaashii go’aamiyay Rigoorada, waxaana ku taageeray Daaficii hore ee Manchester United Rio Ferdinand iyo waliba weeraryahankoodii hore ee Michael Owen oo qaba inay Rigoorada qalad ahayd.

“Tani waa facshar, waxay meesha masuul uga dhigeen afar qofood oo waxba ka garaneyn kubbada cagta kuwaa oo eegaya ku soo celiska VAR,” Neymar ayaa sidaa ku soo qoray Baraha Bulshada.

 Neymar launched a furious Instagram rant about the controversial VAR decision

“Wax rigoore ah ma jiraan, sidee maano u noqon kartaa marka ay dhabarkiisa ku dhacdo.”.

“Ma aaminsani inay rigoore tahay, laakiin inaad dhabarka jeediso adoo daafac ah waxaa lagugu ciqaabayaa wax sidaa oo kale ah.

Owen ayaa isna yiri:

“Ma aaminsani inay sinna rigoore ku tahay, aniga ahaan rigoore ma ahan qofkasta oo halkan joogana sidaas ayuu aaminsan yahay.”.

Gool FM.

 

 

 

 

SAWIRRO: Geesiyaashii xalay dhigay Mucjisada oo dib ugu soo laabtay Magaalada Manchester

$
0
0

(Manchester) 07 Maarso 2019. Geesiyaashii guusha lama filaanka ah ka soo qaatay kooxda ka dhisan Paris ee PSG ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Manchester.

Inkastoo ay United horey u sameysay soo laabashooyin lama filaan ah misane way yareyd inta xalay aaminsaneyd inay u soo gudbi karaan Sideed dhammaadka Champions League kaddib markii 2-0 looga soo adkaaday lugtii hore iyagoo gurigooda jooga.

Yeelkeede, 3-1 ayay ku soo adkaadeen kaddib markii ay heleen Rigoore muran ku jiro daqiiqadii dhimashada ee ciyaarta lagu daray.

Haddaba Geesiyaasha guusha kala soo laabtay Faransiiska ayaa dib ugu soo laabtay Manchester.

DAAWO SAWIRRO:

 A delighted Ole Gunnar Solskjaer led his Man United team back out on home turf early this morning

 Sir Alex Ferguson even grabbed himself a memento from the historic win at PSG

 Marcus Rashford was the man who kept his nerve to fire home a late penalty

 Andrea Pereira gives a big thumbs-up to the camera upon arrival back in Manchester

 Ashley Young and his team-mates arrived home in the early hours after sealing a place in the Champions League last-eight

 The 17-year-old Mason Greenwood must still have thought he was dreaming after his record-breaking appearance

 Tahith Chong, left, was another youngster to come off the bench for United at Parc des Princes

 David de Gea exits the departure lounge at Manchester Airport earlier today

 Club chiefs will likely forgive Victor Lindelof for forgetting to put on his tie

 Eric Bailly had his head phones off as he left the airport after he was subbed off in the first half last night

Gool FM.


Liverpool oo gaartay wareega sideed dhamaadka kaddib guul raaxo leh ay gaareen Bayer Munic iyo Barcelona oo an wax u reeban Lyon.

$
0
0

( Yurub ) 14 Marso 2019 kooxda Liverpool oo daaqada ka saartay kooxda Bayer kaddib markii ay kaga adkaadeen 3-1.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan , ciyaartoyda labada dhinac ayaana soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan walow bara baro 1-1 lagu kala nastay .

Kooxda Liverpool oo marti aheyd ayaa la hor martay goolka waxaana u dhaliyey xidigooda reer Sinagal ee Mane daqiiqadii 26-aad ciyaarta waxaana goolkaas caawinteeda lahaa van Dijk.

Bayer xaalka ayaa ku xumaaday markii laga dhaliyey gool balse waxa ay durba heleen goolka bareejada walow ay lugtooda aysan ku keensan goolkaas oo waxaa iska dhaliyey daafaca kooxda Liverpool ee Matip daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta .

Kulan ciyaareedka qeebtii koowaad ayaa lagu kala maray bareejo , balse waqti nasiino talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta .

Kooxda Liverpool ayaa ku soo gashay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta iyaga oona la yimid gool kale oo labaad waxaan goolkaas dhaliyey van Dijk daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta kaddib kubad gees kalaad aheyd oo uu soo qaaday Milner .

Mane ayaa ayaa sii quusiyey rajadii kooxda Bayer kaddib markii u dhaliyey goolka sedexaad ee Liverpool iyo goolkiisa labaad ee ciyaara waxaana goolkaa ka caawiyey Mohamed Salah.

Ugu dambeen kulan ciyaareedka ayaa ku soo dhaamada ( 3-1) kooxda Liverpool ayaana u awood sheegatay kooxda Bayer una gudubtay wareega xiga ee sideed dhamaadka tartanka Champions League.

Dhinaca kale kooxda Barcelona oo garoonkeeda kula ciyaareysay kooxda reer Farnce ee Lyon ayaa guul raaxo leh ka gaartay kaddib markii ay kaga adkaadeen 5-1.

Qeebtii koowaad ee kulankaba Barcelona ayaa la timid labo gool waxaana u kala dhaliyey Messi oo dhaliyey gool rigoore ah iyo Coutinho kaddib markii uu caawin ka helay Suarez daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta .

Qeebtii dambe ee ciyaarta kooxda Lyon ayaa la timid gool daqiiqadii 58-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas u dhaliyey xidigooda lagu magacaabo Tousart, natiijada ciyaarta ayaana noqotay ( 2-1)

Barcelona oo cabsi badan dareemeysay in gool labaad laga dhaliyo ayaa xaqiiqsatay booskeeda wareega xiga kaddib markii ay la yimaadeen sedex gool oo kale waxaana shabqa gaaray Messi Pique iyo Dembele natiijada ciyaarta ayaana noqotay (5-1)

Ugu dambeen kulan ciyareedka ayaa ku dhamaaday (5-1) kooxda Barcelona ayaana u gudubtay wareega xiga ee sideed dhamaadka tartanka Champions League .

GOOL FM

 

Kooxaha u soo baxay wareega 8-da Champions League, sida ay isugu aadi karaan, Saacada la sameynayo isku aadka iyo wax kasta oo aad u baahan tahay

$
0
0

(Europe) 14 Maarso 2019. Waxaa xalay soo idlaaday wareega 16 ka Champions League iyadoo ay si sahlan ku soo bexeen Barcelona iyo Liverpool.

Haddaba waxaa berito oo Jimco ah la sameyn doonaa isku aadka wareega sideed dhammaadka Champions League.

Halkan ka aqriso xog kasta oo aad ugu baahan tahay isku aadka.

Waa kuwee 8-da koox ee soo baxay?

Barcelona, Juventus, Man United, Liverpool, Man City, FC Port, Tottenham iyo Ajax

Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka halkeesa lagu sameynayaa?

Isku aadka wareega sidaada ayaa la sameyn doonaa berito oo Jimce ah marka ay saacada dhankeena tilmaameyso 2:00 Duhurnimo, isku aadka ayaa lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Sidee isugu aadi karaan kooxaha?

Kooxaha ayaa isugu aadi doona si kasta iyo nuuc kasta oo ma jiro sharci la ilaalin doono sida in la kala weeciyo kooxaha isku dalka ka yimid, Tusaale ahaan way isku aadi karaan afarta koox ee ka socota Ingiriiska, Man United, Man City, Liverpool iyo Tottenham.

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada sideed dhammaadka Champions League?

Lugta hore ee wareega sideed dhammaadka ayaa la ciyaari doonaa April 9 iyo 10 halka lugta labaad la ciyaari doono usbuuc kaddib April 16 iyo 17 .

Gool FM.

Kooxda Barcelona oo rikoor fiican sameysay kaddib markii ay xalay u soo baxday siddeed dhammaadka Champions League

$
0
0

(Barcelona) 14 Maarso 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay u soo baxday siddeed dhammaadka Koobka Horyaalladda Yurub ee Champions League.

Waxa ay Barca guul 5-1 xalay ka gaartay kooxda Lyon kulankii ka dhacay garoonka Camp Nou.

Barcelona waxa ay sidaas ku gaartay wareegga siddeeda Koobka Horyaalladda Yurub 12 xilli ciyaareed oo xiriir ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xilli ciyaareedyadii ay kooxda Barcelona u soo baxday Wareegga siddeed dhammaadka Champions League:-

✓ 2007/08

✓ 2008/09

✓ 2009/10

✓ 2010/11

✓ 2011/12

✓ 2012/13

✓ 2013/14

✓ 2014/15

✓ 2015/16

✓ 2016/17

✓ 2017/18

✓ 2018/19

Gool FM.

Kaddib labadii gool uu xalay ka dhaliyey Bayern Munich, Sadio Mané oo noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey Kooxda Liverpool ee…

$
0
0

(Munich) 14 Maarso 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Sadio Mané ayaa xalay taariikh sameeyey kaddib labo gool oo uu ugu shubay naadiga Bayern Munich.

Reds ayaa u soo baxday wareegga siddeed dhammaadka Champions League kaddib markii ay 3-1 uga adkaatay Bayern Munich oo ay marti ugu ahayd Jarmalka, waxaana Liverpool labo ka mid ah goolashaas u dhaliyey Mané.

Sadio Mané ayaa Liverpool sidaas ugu dhaliyey todoba gool kulammada bannaanka (Away) ee Champions League, waana in ka badan ciyaaryahanka kasta oo kale taariikhda kooxda.

Si kale haddii aan u dhigno Mané ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyey ee kooxda Liverpool 7 gool u dhaliya kulammada martida (away) Koobka Horyaalladda Yurub ee Champions League.

Gool FM.

UCL: Kooxaha Ingiriiska oo sameeyey rikoor ay ugu dambeysay muddo 10 sanadood ah

$
0
0

(England) 14 Maarso 2019. Kooxaha Ingiriiska ayaa sameeyey rikoor ay ugu dambeysay muddo 10 sanadood ah kaddib markii afar ka mid ah kooxaha UK ay u soo gudbeen wareegga siddeed dhammaadka Champions League.

Kooxaha reer England ee Manchester United, Tottenham Hotspur, Manchester City iyo Liverpool ayaa iska xaadiriyey siddeed dhammaadka Koobka Horyaalladda Yurub, waxaana ay sugi doonaan kooxihii ay ku aadi lahaayeen berri oo Jimco ah marka la sameynayo isku aadka.

Waa markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2008/09 oo afar kooxood oo ka socda Dalka Ingiriiska ay gaaraan siddeed dhammaadka Koobka Horyaalladda Yurub ee Champions League.

Xilli ciyaareedkaas 2008/09 waxaa siddeed dhammaadka Champions League wada gaaray afarta kooxood ee reer England oo kala ah, Arsenal, Chelsea, Man United iyo Liverpool.

Tani waa markii ugu horreysay oo muddo 10 sanadood ah oo afar kooxood oo Ingiriis ah ay wada gaaraan wareegga siddeeda UefaChampions League.

Gool FM.

“Qof walba wuxuu filanayaa hoos u dhaca qaab ciyaareedka Cristiano Ronaldo, laakiin……”

$
0
0

(Yurub) 14 Marso 2019. Tababaraha kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa qeyb ka noqday shaqsiyaadka ka hadlay saddexleydii uu ka dhaliyay xidiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo Atletico Madrid, kulnkii lugta labaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Bianconeri ayaa guul kaga gaartay kooxda reer Spain ee Atletico Madrid 3 gool uu dhaliyay Cristiano Ronaldo taasoo u suuragalisay in Juventus ay u gudubto wareega siddeeda ee tartanka Champions League.

Image result for ancelotti and ronaldo

Carlo Ancelotti ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah “Sky Sports” wuxuu kaga hadlay saddexleyda mucjisada ahayd ee Cristiano Ronaldo uu ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid.

“Qof walba wuxuu filanayaa in hoos u dhac uu ku yimaado qaab ciyaareedka Cristiano Ronaldo, laakiin taasi marnaba ma dhici doonto”.

“Cristiano kulamada noocan oo kale marna ma lumo, wuxuu ka sameeyaa isbadal”.

“Waxaa jira xidigo waaweyn ee ku dhiban kulamada muhiimka ah, balse isaga wuu ka dhex muuqdaa, taasi waa farqiga u dhexeeya ciyaaryahan weyn iyo geesi weyn ee sida isaga oo kale ah”.

“Atletico Madrid ma ahan koox si fudud looga hortagi karo, gaar ahaan wareegyada isreeb reebka, balse Juventus waxay soo bandhigtay, qaab ciyaareed heer sare ah, iyadoo loo marayo ciyaaryahan cajiib ah”.

Gool FM.

Messi oo ammaan ugu qubeeyay Ronaldo kaddib Saddexleydii uu habeen hore ka kacay

$
0
0

(Europe) 14 Maarso 2019. Lionel Messi ayaa ammaan ugu qubeeyay xiddiga ay xifaaltamaan ee Cristiano Ronaldo kaddib saddexleydii uu habeen hore u dhaliyay Juventus si ay ugu soo gudbaan wareega sideed dhammaadka Champions League.

Xiddiga reer Argentina ayaa qudhiisa dhigay wacdaro aan innaba caadi ahayn ciyaartii ay xalay shanta gool  uga adkaadeen Lyon oo wuxuu dhaliyay labo gool isagoona caawiyay labo kale.

Yeeleede, Messi oo ciyaarta kaddib wax laga waydiiyay Ronaldo ayaa yiri.

 Lionel Messi admits he was blown away by the performance of his old foe on Tuesday

“Waa wax Cajiib ah wixii ay sameeyeen Cristiano Ronaldo iyo Juventus.

“Waxaan aaminsanaa in Atletico ay xoog badnaan doonto, laakiin Juventus ayaa ka adkaatay, Ronaldo-na waxay u ahayd habeen qurux badan oo uu dhaliyay saddex gool.”.

Messi oo ka hadlaya isku aadka ayaa yiri:

“Kooxaha oo dhan waa kuwa adag.

“Tusaale ahaan Ajax, waxay muujiyeen inay yihiin koox da’yar oo cajiib ah oo aan cidna ka cabsaneyn.

“Way adkaan doontaa koox kasta oo aad wajahdo.

“Waa inaan nafsadeena u diyaarinaa tartan adag.”.

Gool FM.


Cristiano Ronaldo oo hoggaaminaya xiddigaha u sharraxan abaal-marinta laacibka isbuuca ee Champions League

$
0
0

(Yurub) 14 Maarso 2019. Waxaa lagu dhawaaqay xiddigaha u sharraxan ee ku tartami doona abaal-marinta laacibkii Isbuucan ugu fiicnaa tartanka Koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.

Xiddigaha u sharraxan abaal-marinta laacibka todobaadka ee Champions League waxaa hoggaaminaya Cristiano Ronaldo oo wacdaro dhigay kooxdiisa Juventusna u soo saaray siddeed dhammaadka Koobka Horyaallada Yurub.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee CR7 ayaa saddexleey ka kacay kulankii lugta labaad ee ay Turin ku soo dhoweeyeen Atletico Madrid, waxaana la xusuustaa in kooxdiisa Juve lugtii hore looga soo adkaatay 2-0, balse kooxda reer Talyaani ayuu u soo saaray wareegga siddeed dhammaadka Champions League.

Xiddigaha kale ee u sharraxan abaal-marinta laacibka isbuuca ee Champions League waxaa ku jira weeraryahanka Manchester City ee Leroy Sané oo hal gool dhaliyey saddex kalena caawiyey kulankii ay kooxdiisu City 7-0 uga adkaatay Schalke 04.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sidoo kale ku jira xiddigaha u sharraxan abaal-marinta laacibkii ugu fiicnaa todobaadka Champions League kaddib markii uu labo gool dhaliyey labo kale caawiyey kulankii ay kooxdiisa Barcelona 5-1 uga tallaabsatay naadiga Lyon.

Sadio Mané oo weerarka uga dheela kooxda Liverpool ayaa dhankiisa ka mid ah xiddigaha ku tartami doona abaal-marinta xiddiga todobaadka ee Champions League kaddib markii uu labo gool ugu shubay Bayern Munich oo ay uga adkaadeen 3-1.

Haddaba halkaan hoose ka eeg afarta ciyaaryahan ee ku tartami doonta abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa todobaadkan Champions League iyo Sawirradoodaba:-

Gool FM.

Manchester United oo doonaysa inay la soo wareegto xiddigii xilli ciyaareedkii hore ka reebay Champions League

$
0
0

(Yurub) 14 Maarso 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay indhaha ku hayso inay la soo wareegto xagaagan weeraryahanka kooxda Sevilla ee Wissam Ben Yedder.

Ben Yedder ayaa kooxda Sevilla kaga soo biiray Toulouse xagaagii 2016, xiddiga reer France ayaana dhaliyey 66 gool 126 kulan oo uu u saftay kooxda reer Spain tartammada oo dhan.

Xilli ciyaareedkan, 28-sano jirkaan ayaa dhaliyey 26 gool 42 kulan oo uu u ciyaaray kooxda ka dheesha horyaalka La Ligaha Spain, waxaana goolashaas ku jira 7 gool oo uu ka dhaliyey kulammada Europa League.

Sida uu warinayo warsidaha Calciomercato, bandhigga uu sameynayo Ben Yedder ayaa soo jiitay kooxda Man United, waxaana ay u soo dhaqaaqi karaan saxiixiisa suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Weeraryahankan Ben Yedder ayaa labo gool ku dhaliyey garoonka Old Trafford xilli ciyaareedkii la soo dhaafay taasoo sababtay in Red Devils ay ku harto wareegga 16-ka koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.

Gool FM.

Ronaldo iyo Messi oo lagu sameeyay isbar-bardhig dhan kasta ah…..(Haddaba waa kee BOQORKA Champions League??)

$
0
0

(Europe) 14 Maarso 2019. Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa u soo wada baxay wareega sideed dhammaadka koobka ugu xiisaha badan ee Yurub Champions League.

Ronaldo ayaa saddexleey ka kacay habeen hore si uu u soo saaro Juventus halka Messi uu dhaliyay labo gool isla markaana caawiyay labo kale ciyaartii xalay ay Barcelona shanta gool uga adkaatay Lyon.

Haddaba Sky Sport ayaa isbar-bar dhig dhan kasta ah ku sameeyay labada laacib.

Ronaldo ayaa ka goolal badan Messi tartanka Champions League inkastuu Messi ka kulamo yar yahay laacibka reer Portugal.

Sidoo kale Ronaldo ayaa ka caawin badan Messi tartanka Champions League, wuuna ka rigoore dhalis badan yahay.

Waxaa intaa dheer in Ronaldo uu CL ku guuleystay 5-jeer halka uu Messi ku guuleystay 4-jeer.

EEG isbar-bardhiga labada laacib.

How Cristiano Ronaldo's and Lionel Messi's Champions League records compare

FIIRO GAAR AH:

Waxaa badan kulamada uu Ronaldo saftay Champions League 160 kulan halka uu Messi tartankan ciyaaray 131-kulan.

Gool FM.

DEG DEG: Isku aadka siddeed dhammaadka Champions League oo la sameeyey… (Barcelona v Man United oo madaxa la isku geliyey)

$
0
0

(Nyon) 15 Maarso 2019. Waxaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland ayaa goordhow lagu sameeyey isku aadka siddeed dhammaadka Champions League iyadoo kulamo adag ay ka soo baxeen.

Kooxda kubadda cagta Juventus iyo Cristiano Ronaldo ayaa ku aaday Ajax, waxaana ay ku booqan doonaan lugta hore dalka Holland.

Sidoo kale waxaa nasiib yeelatay kooxda reer England ee Liverpool waxaana ay garoonkeeda Anfield ku soo dhoweyn doontaa naadiga FC Porto.

Dhinaca kale kooxda Tottenham soo dhoweyn doonta kooxda Manchester City.

Kulanka ugu adag waa ciyaarta dhex mari doonta kooxaha Barcelona iyo Manchester United, macallin Ole iyo wiilashiisa ayaana lugta hore booqan doonta Camp Nou.

Lugta hore ee wareegga siddeed dhammaadka ayaa la ciyaari doonaa April 9 iyo 10 halka lugta labaad la ciyaari doono isbuuc kaddib April 16 iyo 17.

Isku aadka siddeed dhammaadka oo dhammaystiran:-

Barcelona vs. Manchester United

Tottenham vs. Manchester City

Liverpool vs. FC Porto

Ajax vs. Juventus

Gool FM.

 

DEG DEG: Ronaldo iyo Messi waxay isku arki karaan oo kaliya FINAL ka Champions League

$
0
0

(Europe) 15 Maarso 2019. Waxaa la soo saaray isku aadka wareega sideed dhammaadka Europe League waxaana durba xigtay in lagu dhawaaqay sida ay isku arki doonaan kooxaha wareega afar dhammaadka Champions League.

Haddaba waxay la micno tahay in Ronaldo iyo Messi ay isku arki doonaan oo qura Final ka Champions League waa haddii ay soo baxaan.

Kooxaha ayaa Semi Finalka isku arki doona sidan:

Kulanka Man United iyo Barcelona kooxda ka soo baxda waxay Semi Final ka la ciyaari doontaa kooxda ka soo baxda Liverpool vs Porto.

Tottenham iyo Manchester City cidii ka soo baxda waxay Semi Final ka la ciyaari doonaan kooxda ka soo baxda Ajax vs Juventus.

Gool FM.
Viewing all 2505 articles
Browse latest View live