(London) 24 Feb 2016 – Waxa ugu badan ee looga hadlayey Ingiriiska iyo Spain waxa ay ahayd wixii qabsaday xalay Arsenal iyo guushii kooxda Barcelona ee Champions League, laakiin arrintaas mid ka duwan ayaa hareysay Turkiga.
Intii lagu guda jiray qeybtii labaad ee ciyaartii xalay u dhaxaysay kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa labo tabiye oo Turkish ah waxa ay go’aansadeen inay makarafoonka iska dhigaan oo ay joojiyaan shaqadooda tabinta, kaddib markii aflagaadooyin aad iyo aad u xun xun ay kala kulmeen taageerayaasha Arsenal ee ku gadaamnaa.
Iyadoo ciyaartaas si toos ah looga baahinayey kanaalka Turkiga ee TRY ayaa noqontay mid si wayn u qabsata baraha bulshada, waxaana la maqlayey taageerayaasha kooxda Arsenal oo erayo aflagaado ah u geysanaya tabiyeyaashii Turkiga ahaa.
Yalcin Cetin iyo Omer Urundul oo ahaa tabiyeyaashii turkida ahaa ayaa waxa ay fadhiyeen meel si wayn ugu dhow taageerayaasha martida loo ahaa ee Gunnes, kuwaasoo aan la dhicin shaqada garsooraha Turkiga ee Cuneyt Cakir oo kulankaas dhex-dhexaadinayey.
Tabiyeyaasha Turkida ah ayaa dareemay inay xaaladdu tahay mid aan lagu shaqeyn karin markii Jordi Alba iyo Oliver Giroud ay isku dhacayeen, waxaana ay gabi ahaanba ay joojiyeen shaqadoodii tabinta ciyaarta daqiiqaddii 65-aad, iyadoo ereyada aflagaadada iyo fooridu ay sii socodeen.
Waa ay baxeen Cetin iyo Urundul ma’aysan soo laabanin, si kastaba qabiiradda ciyaaraha ee fadhiyay istuudiyaha TRT ee dalka Turkiga ayaa ugu dambeyntii dhanka tabinta la wareegay.
Gool FM.