(Turin) 27 Sab 2018 Xiriirka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa war rasmi ah ka soo saaray casaankii uu qaatay Cristiano Ronaldo kulankii Valencia.
UEFA ayaa sheegtay in Ronaldo uu seegayo kaliya hal kulan kaas oo ah kulanka talaadada dambe ay Juventus soo dhawayn doonto kooxda Young Boys.
Cristiano Ronaldo ayaa fursad u haysta inuu dib ugu laabto Old Trafford 23-ka October, markaas oo United ay marti qaadi doonto Juventus koobka horyaalada yurub.
Juventus iyo Ronaldo ayaa filayay inuu maqnaanayo kaliya hal kulan maadaama garsooruhu uu kula dag dagay casaanka kulankii Valencia.
Gool FM