(Manchester) 01 Okt 2018. Khadka dhexe kooxda Manchester United ee Juan Mata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimada uu u leeyahay kulanka ay habeen dambe ku booqan doonaan kooxda Valencia tartanka Champions League.
Juan Mata ayaa soo xirnaa maaliyada kooxda Valencia inta u dhexeesay 2007 ilaa iyo 2011, kahor inta uusan ku biirin kooxaha Chelsea iyo Manchester United, wuxuuna ka hadlay dareenkiisa kaga aadan kulanka habeen dambe.
“Valencia waxay u qalantaa inay ka ciyaarto tartanka Champions League, taageerayaasha Mestalla Stadium waxay u qalmaan inay arkaan kooxdooda ee ka ciyaareysa tartankan, sida Manchester United, sidaas darteed kulankan waa mid aad u adag”.
“Group-ka aan kaga jirno tartankan waa mid aad u adag, laakiin waa inaan guuleysanaa kulankeena labaad, sidaas darteed waxay u muuqataa inay xaalada nagu adkaan doonto”.
Gool FM.