(Real Madrid) 01 Okt 2018.Tababaraha kooxda Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa shaaca ka qaaday sababta uu kabtan Sergio Ramos ku seegi doono kulanka CSKA Moscow ee tartanka Champions League.
Kooxda Real Madrid ayaa habeen dambe ee Talaadada ku booqan doonta kooxda CSKA Moscow garoonkeeda VEB Arena si ay u wada ciyaaraan wareega labaad Group G ee tartanka Champions League, wuxuuna Lopetegui ka warbixiyay sababta uu Ramos kulankan kaga maqan yahay.
“Sergio Ramos qeyb kama uusan noqon liiska kooxda Real Madrid ee kulankan, wuxuu ciyaaray daqiiqadaha ugu badan ee xili ciyaareedkan, sidaas darteed waxaan go’aansaday in kulanka CSKA Moscow uu nasiino qaato”.
“Waxaan aaminsanahay awooda ciyaareed ee Álvaro Odriozola, isago wuu ka dhan yahay in laga hadlo, sidoo kale Vinícius Júnior wuxuu leeyahay mustaqbal aad u wanaagsan, hadii aan u baahano waxaa hubaal ah in adeegiisa aan ku tiirsanaan doono”.
“Waxaan sidoo kale kalsooni ku qabnaa awooda ciyaareed ee Dani Ceballos, wuxuuna kalsoonidiisa ku muujiyay gudaha garoonka”.
Si kastaba kulanka adage e dhex mari doono kooxda Real Madrid iyo CSKA Moscow ayaa la ciyaari doonaa habeenka Talaadada, waana wareega labaad Group G ee tartanka Champions League xili ciyaareedkan 2018/2019.
Gool FM.