(Manchester) 03 Okt 2018 Paul Pogba ayaa si cad u sheegay in laga mamnuucay la hadalka saxaafada kadib kulankii Valencia.
Manchester United ayaa xalay barbaro goolal la’aan a la gashay Valencia oo marti ugu ahayd garoonkooda, xili sabtigii ay guul daro ka soo gaartay West Ham United.
Sida ay baahisay Daily Mail, qaar kamid ah saxaafada ayaa isku diyaariyay inay waraysi la yeeshaan Paul Pogba kadib kulankii xalay balse waa uu diiday.
Jawaabta Pogba ayaa noqotay: “Waxaa la ii sheegay in layga mamnuucay la hadalkiina”.
Arinkaan ayaa imaanaya xili Pogba ay si wayn isugu dhacsanyihiin tababarihiisa Jose Mourinho, waana sababta loogu diiday inuu bixiyo wax waraysi ah.
Gool FM