( Champ’ League ) 03 Okt 2018. Barcelona ayaa Wembley ku xasuuqday kooxda Tottenham markii ay kaga badiyeen 4-2.
Qeybta hore kulanka ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaamineysay naadiga bArca waxaana goolka daah furka u dhaliyay Philippe Coutinho markii cayaarto socotay 2 daqiiqo.
Intaa kaddib goolka labaad ee Barcelona waxaa dhaliyay Xiddiga Ivan Rakitic oo darbad xoogan goolka ku hubsaday.
Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Spurs ayaa boorka iska jaftay waxaan goolka kowaad ee dheesha u dhaliyay Hary Kane markii kubbad xirfadeysan uu dhaaliyay goolhayaha Barcelona.
Laakiin daqiiqado yar goolka Spurs ay la yimaadeen waxaa jawaab ka bixiyay Lionel Messi oo shabaqa ku dhameystiray baas usoo dhigay daafac Jordi Alba.
Laakiin Tottenham ayaa u muuqatay mid aan ka niyad jabin natiijada dheesha waxaana goolkooda labaad u dhaliyay Erik Lamela daqiiqadii 66-aad.
Balse waxaa sheekada ku xumeeyay dadaal kastaa oo ay sameyeen laacibka Messi oo markale goolka gaaray isagoo Barca u dhaliyay goolkii afaraad ee kulanka.
Dhinaca kale Napoli ayaa qasaaro 1-0 dirtay kooxda Liverpool kaddib goolka guusha oo yimid daiiqadii dheeriga ee kulanka lagu daray.
Waxaana goolkan u dhaliyay xiddiga Lorenzo Insigne.
Inter Milan oo marti u aheyd kooxda reer Netherlands ee PSV Eindhoven ayaa ku badisay 2-1.
Inkastoo goolka looga hormaray kooxda reer talyaani laakiin waxay guushooda kaga mahad celinayaa cayaariyahanada kala ah Radja Nainggolan Mauro Icardi.
Ugu Dambeyn PSG ayaa guul raxaa ka gaartay kooxda yare ee FK Crvena Zvezda markii ay kaga badiyeen 6-1.
Seddaxad kamida goolasha guusha ay ku gaartay kooxda Paris Saint Germain waxaa dhaliyay Neymar.
Gool FM.