(Barcelona) 25 Okt 2018. Laacibka reer Argantina ee Lionel Messi ayaa ka hadlay guushii ay kooxdiisa Barcelona kaga gaartay Inter Milan kulankooda 3-aad wareega group-yada ee tartanka Champions League, kaasoo xalay ka dhacay garoonka Cump Nou.
Lionel Messi uu wehliyo wiilkiisa da’ada yar ee Tiago ayaa kulankan ka daawanayay qeybta tarbuunka, wuxuuna si weyn u taageerayay saaxiibadiis inta ay ciyaarta socotay, xili sidoo kale la arkay in jamaahiirta dhankooda ay ku qeelinayeen magaca Messi.
Nomabarka 10-aad ee kooxda Barcelona ayaa kulankan ku seegay dhaawac jabniin ee dhanka xusulka kasoo gaaray inta lagu gudi jiray kulankii horyaalka La Liga ay ku wada ciyaareen kooxda Sevilla.
Dhakhaatiirta ayaa shaacisay in Messi uu ka maqnaan doono garoomada mudo dhan saddex isbuuc, iyadoo kulanka muhiimka ah El Clasico ee Axada soo aadan uu ka maqnaan doono qorshaha tababare Ernesto Valverde.
Hadaba Lionel Messi ayaa kulanka kadib ugu hambalyeeyay saaxiibadiis bartiisa rasmiga ah ee inistigram-ka guushii ay Inter Milan kaga gaareen garoonka Cump Nou.
“Way fiicneyd inaan ku noolaado oo aan ku raaxeysto, hambalyo kooxda guushan weyn gaartay”.
Gool FM.