(Champions League) 25 Okt 2018. Xidiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ka warbixiyay sida uu ugu faraxsan yahay in markale uu dib ugu soo laabto wadada gooldhalinta, kadib markii uu 2 gool kaga dhaliyay kooxda FK Crvena Zvezda kulankii xalay ee tartanka Champions League.
Liverpool ayaa 4-0 ku garaacday kooxda FK Crvena Zvezda kulankii xalay ee ka tirsanaa kulamada wareega 3-aad ee tartanka Champions League, kasoo ay labada kooxood ku wada ciyaareen garoonka Anfield.
Kulanka kadib Mohamed Salah ayaa la hadlay shabakada “PT Sport” ee dalka England, wuxuuna si jees jees ah ugu jawaab celiyay shaqsiyaadka shakiga galiyay qaab ciyaareedkiisa.
“Qofka hadlayay xiliga goolal la’aanta hada wuuu qoslayaa, waan ka war qabnay in xaalada aysan fududeen, balse waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaan helnay saddexda dhibcood, waxay ahayd guul weyn, waana ku faraxsanahay inaan dhaliyay goolkeyga 50-aad ee Liverpool”.
“Waan ka war qabnaa sida aan ugu ciyaari lahayn si wada jir ah, qaabka aan u ciyaarno marwalba waa mid gaar ah, intaas waxaa dheer, waan ka war qabnaa meelaha aan ka awood badanahay, waana ku faraxsanahay wada jirka dhamaantayada”.
Si kastaba Mohamed Salah ayaan wax gool ah dhalinin labadii kulan lasoo dhaafay ay kooxaha Paris Saint-Germain iyo Napoli, balse wuxuu ku soo afjaray kulankii xalay ee kooxda FK Crvena Zvezda, kadib markii uu dhaliyay 2 gool.
Gool FM.