Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

HORDHAC: Juventus v Valencia

$
0
0

( Champ’ League ) 27 Nof 2018. Juventus ayaa marti qaadeysa dhigooda Valencia kulamada shanaad ee heerka group-ka koobka Champions League.

Bianconeri ayaa guuldarrada qura ee soo gaartay dhammaan tartamada kala kulantay United waa dheeshii u dambeysay oo ay tartanka cayaareen.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Champions League:

Waqtiga: 11:00 pm (SGA )

Garooraha: William Collum ( Scotland )

Garoonka: Allianz Stadium

Wararka Labada koox

Alex Sandro ayaa ka maqnaan doona Juventus kulanka u dambeeya ee heerka group-ka Champions League haddii uu casaan qaato cayaar Valencia ee caawa.

Juventus ayaa laga yaabaa iney ku dheesho shax cayaareedka 4-4-2 oo ay hore u isticmaashay labadii dheel ee Manchester United, iyadoo Blaise Matuidi uu ahaa garabka bidix ee weerarka halka Mario Mandzukic uu keydka fadhiyay.

Denis Cheryshev iyo Cristiano Piccini ayaa labaduba shaki kaga jiraa Valencia cayaar ay u sareyso talaada Turin. Waxaana la filayaa in labada ay cayaaran.

Daniel Parejo, José Gayà iyo Carlos Soler ayaa seegaya kulankooda u dambeya Valencia heerka group-ka waa haddii ay jaale qaataan kulanka bartamaha asbuucan.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Juventus ayaa kaliya qasaartay seddax kulan oo kamida 32-doodii dheel oo hore ugula cayaareen garoonkooda kooxaha Spanish tartamada yurub (19 guula iyo 10 bar-baro), Inkastoo guuldarada qura ay kasoo gaartay Real Madrid kulankii u dambeyay markaa oo looga badiyay0-3 cayaar dhacday bishii April.

Juventus ayaa guuldarreysatay kulankoodii u dambeyay garoonka oo ay la cayaareen Man Utd – laakiin marnaba maku guuldarreysan kulamo xariira garoonkooda tartamada yurub taariikhda.

Cristiano Ronaldo ayaa la siiyay caasiin ugu horreeyay koobka Champions League cayaartii lugta hore ay u martiyeen Valencia bishii September.

Paulo Dybala ayaa dhaliyay shan gool shantiisii cayaar uu dambeysay Champions League – taasoo ka badan goolal uu ku dhalin waayay 24-kii kulan ee u horreysay uu saftay koobkan.

Tani waa kulankii u horreeyay oo ay Valencia marti ku tahay Italy tartan walba oo yuruba tan iyo bishii December 2009, markaa oo guul 2-1 ka gaartay Genoa koobka Europa League.

Kulankii hore u dhexmaray kooxaha Juventus iyo Valencia ayaa ahaa kulamadii kowaad ee tartanka xagaagan – kooxda reer talyaani ayaa kaga guuleysatay 2-0 naadiga Spain waxayna kaga mahad celinayaan laba gool Miralem Pjanic kuwaa oo ahaa rigoorayaal.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles