( Champ’ League ) 27 Nof 2018. Manchester City ayaa booqaneysa dhigeeda Lyon kulamada 5-aad ee heerka group-ka koobka Champions League.
Kooxda Guardiola ayaa is aragii lugta hore ee kooxahan ku qasaartay 2-1 cayaar la dhacday garoonkooda Etihad Stadium.
Ogeysiiska Cayaarta
Tartanka: Champions League
Waqtiga: 11:00 pm ( SGA )
Garsooraha: Giancula Rocchi ( Italy )
Garoonka: Groupama Stadium
Wararka Labada Koox
Da;yarka qadka dhexe Manchester City Phil Foden ayaa laga yabaa inuu shaxda kowaad kusoo bilaawdo kaddib markii Pep Guardiola uu sheegay in isaga uu shaki la’aan diyaar yahay uusan sameyn karo inuu dheelo.
City waxaa ka maqan Bernardo Silva, Ilkay Gundogan iyo Gabriel Jesus, iyadoo18-jirka Foden safka kooxda kusoo bilaabanyo markii seddaxaad tartankan – xagaagiisa ugu horreeya.
Laacibka qadka dhexe Kevin de Bruyne iyo dambeedka bidix Benjamin Mendy ayaa sido kale ka maqan.
City waxay u baahan tahay dhibic kaliya kulamadooda u dambeeya Group F si ay u xaqiijitana wareega 16 koox.
Xaqiiqooyinka Dheeshan
City ayaa la cayaareysa markoodii seddaxaad oo ay marti u tahay kooxaha France tartamada yurub, kaddib bar-baro 2-2 oo ay la gashay Paris St-Germain bishii April 2016 iyo qasaaro 3-1 oo kasoo gaartay Monaco bishii March 2017.
Lyon ayaa guuldarreysatay kulan kaliya 10-koodii dheel oo ay garoonkooda kula cayaartay kooxaha English tartanka yurub, waana 3 guul iyo 6 bar-baro. Kaliya guuldarrada soo gaartay waxay kala kulntay Arsenal bishii February 2001.
Lyon seddaxdii dheel ee u dambeysay Champions League garoonkooda ayaa ku dhammaaday bar-baro – kooxda French ayaa kasoo laabatay cayaar hogaanka looga qabtay 2-0 kulankii ay bar-baraha 2-2 la gashay Shakhtar bishii October, ka hor inta aysan iyaga ku fashilmin cayaar ay 2-gool kaga hormareen Hoffenheim oo ugu dambeyn bar-baro ku dhammaatay.
Lyon waa guuldarro la’aan afartooda cayaar ee heerka group-ka Champions League xagaagan, kulan guul iyo seddax bar-baro. Waqtigii u dambeyay oo ay guuldarro la’aan aheyd shantooda kulan ee tartanka ugu horreysa waxay aheyd kal cayaareedkii 2008-09.
City waa kooxda dhalisay goolasha ugu badan koobkan Champions League xagaagan, iyagoo dhaliyay 12-gool afarta dheel ee ilaa hadda ay cayaartay.
Shaxda Macquulkaa
Gool FM.