Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

DEG DEG: UEFA oo shaacisay garsooraha dhex dhexaadin doona Final-ka Champions League

$
0
0

(Madrid) 10 Maajo 2016 Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay garsooraha dhex dhexaadin doona Final-ka koobka horyaalada yurub ee 28-ka bishaan lagu ciyaari doono garoonka San Siro.

UEFA ayaa shaacisay in 41 jirka reer ingiriis ee Mark Clattenburg uu dhex dhexaadin doono kulanka u dhexeeya Atletico Madrid iyo Real Madrid.

Mark Clattenburg ayaa ka soo dhex baxay garsoorayaal badan oo sugayay inay dhex dhexaadiyaan kulanka u dhexeeya Real Madrid iyo Atletico.

Waa Final-kii 2-aad ee Mark Clattenburg uu dhex dhexaadin doono bishaan gudaheeda, waxaana la filayaa inuu dhex dhexaadiyo Final-ka FA Cup-ka ee Man United iyo Crystal Palace 21-ka bishaan.

Mark Clattenburg ayaa dhex dhexaadiyay 5 kulan oo Real Madrid ay qayb ka tahay, Real ayaana wada guulaysatay dhamaan kulamadaas.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles