( Champ’ League ) 28 Nof 2018. PSG ayaa guul dahabi ah ka gaartay Liverpool kulankoodii ay cayaareen markay uga badiyeen 2-1.
Dheesha ayaa qeybta hore lagu kala maray 2-1 oo ay ku hogaanimeysay Paris Saint-Germain, waxaana hogaanka u dhiibay daafca Juan Bernat daqiiqadii 13-aad.
Kulanka oo socda 37-daqiiqo waxaa markale hogaanka u dheereeyay PSG Neymar oo kubbadd sahal ku dhameystiray goolka Liverpool, kor inta uusan goolka calanka u dhalin Reds James Milner.
Guusha Paris ayaa ka dhigan iney nooshahay rajadooda ay ugu soo bixi karaan wareega bug baxda tartanka waxayna lee yihiin 8-dhibcood iyagoo dhibic kaliya ka dambeeya Napoli oo guul raaxaa 3-1 kaga adkaatay Red Star Belgrade.
Dhanka kale Barcelona ayaa guul ka gaartay PSV Eindhoven oo ay kaga badiyeen 2-1, goolasha waxaa Barca u dhaliyay Lionel Messi iyo Gerard Pique xilli kooxda Catalan ay hore ugu soo gudubtay wareega 16-ka.
Ugu dambeyn Tottenham ayaa qasaaro 1-0 gaarsiisay Inter Milan oo marti ugu aheyd garoonka Wembley waxaana goolka qura u dhaliyay Christian Eriksen markii cayaartu ka harsaneed 10-daqiiqo laba koox ayaa hadda wada leh min 7-dhibcood.
Gool FM.