(London) 19 Maajo 2016. Waxaa la is waydiiyay su’aasha ah aaway xiddigihii Chelsea u gacan galiyay koobkii ugu horreeyay taariikhdeeda ee Champions League oo ay ku guuleysatay maanta oo kale afar sano ka hor, waxaana su’aasha kaaga jawaabeysa Express oo kuu soo ururisay halka ay ku kala firirsan yihiin xiddigahaas, Goolfm.net ayaana kuu fududeesay.
Tababare Roberto Di Matteo: Kaddib markii uu ka tagay Chelsea wuxuu waqti aan guuleysan la soo qaatay kooxda FC Schalke waxaana iminka lala xiriirinayaa kooxda Aston Villa ee hoos ugu dhacday heerka labaad ee horyaalka Ingiriiska.
Goolhaye Petr Cech: Wuxuu bishii June 2015 ku biiray kooxda Arsenal lacago dhan 10-milyan oo bound.
Jose Bosingwa: Markii uu ka tagay Chelsea wuxuu heerka labaad kula dhibtooday kooxda Queens Park Rangers ka hor inta uusan u dhaqaaqin Trabzonspor, waxaana goor dhaweyd dib looga yeeray xulkiisa Portugal.
David Luiz: Wuxuu bishii June 2014 adduun dhan 50-milyan ugu biiray kooxda PSG.
Gary Cahill: Chelsea ayuu weli joogaa qandaraas ku eg ilaa 2019 wuxuuna qeyb ka yahay xulka England ee matali doona Euro 2016.
Ashley Cole: Wuxuu ku biiray Roma 2014, balse wuxuu iminka joogaa kooxda LA Galaxy ee dalka Mareykanka.
John Obi Mikel: Weli wuxuu ku sugan yahay Chelsea.
Frank Lampard: 2014 ayuu ka tagay Chelsea isagoo u dhaqaaqa kooxda New York City ka hor inta uusan heshiis amaah ah ugu soo laaban Premier League kooxda Man City.
Salomon Kalou: Wuu ka tagay Chelsea markii uu dhamaaday qandaraaskiisa finalkii Champions League kaddib wuxuu tagay kooxda Lille oo uu 2-sano ku qaatay ka hor inta uusan aadin Hertha BSC.
Juan Mata: Bishii January 2014 ayuu lacago dhan 37.1-milyan ugu biiray Man United.
Ryan Bertrand: Waxaa amaah loogu diray Aston Villa iyo Southampton ka hor inta uusan heshiis joogta ah ugu biirin kooxda dambe.
Didier Drogba: Rugcadaaga Chelsea waa mid ka mid ah xiddigaha koobkaasi suuro galiyay wuxuuna iminka ku sugan yahay kooxda Montreal Impact.
Badelkii Chelsea markii ay qaadeysay Champions League:
Ross Turnbull: Afar sano uu ku hoos jiray goolhaye Cech wuxuu Turnbull u dhaqaaqay Doncaster intaa kaddib Barnsley ka hor inta uusan sanadkii la soo dhaafay ku biirin Leeds.
Paulo Ferreira: Wuxuu ciyaaraha isaga fariistay sanadkii 2013.
Michael Essien: Wuxuu heshiis amaah ah ugu biiray Real Madrid wuxuu dabadeed aaday AC Milan, naadiga Panathinaikos ayuu iminka ka tirsan yahay.
Oriol Romeu: Valencia iyo Stuttgart ayaa maah loogu diray ka hor inta uusan 5-milyan ugu biirin kooxda Southampton bishii August 2015 oo uu iminka ka tirsan yahay.
Florent Malouda: Tan iyo sidii uu uga tagay Chelse 2013 wuxuu laacibka reer France u ciyaaray Trabzonspor, Metz, Delhi Dynamos iyo kooxda Wadi Degla ee ka dhisan Masar oo uu iminka u ciyaaro.
Daniel Sturridge: Wuxuu bishii Janaayo 2013 lacago dhan 12-milyan ugu biiray Liverpool.
Fernando Torres: Milan ayuu amaah ku aaday wuxuuna uga sii gudbay Atletico Madrid oo uu iminka qeyb ka yahay waliba xiddigaha kooxda u matalaya finalka Champions League ay Milano kula yeelan doonaan Real Madrid 28-ka bishan Maajo.
Cabdisamed Maxamed Xasan. (Black Yare).
blackyare1@hotmail.com.
Gool FM.