Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Mohamed Salah oo wal wal ku abuuray taageerayaasha Liverpool! (Dhaqan cusub oo lagu arkay!!)

$
0
0

(Liverpool) 12 Dis 2018 Weerar yahanka reer Masar ee Mohamed Salah ayaa wal wal ku abuuray taageerayaasha kooxda Liverpool.

Mohamed Salah ayaa gool u dhaliyay xalay kooxdiisa Liverpool kaas oo ka caawiyay inay u soo baxdo wareega 16-ka ee Champions League.

Express ayaa daaha ka qaaday in taageerayaasha Liverpool aysan la dhacsanayn hab dhaqan cusub ee uu la soo baxay Salah kadib markii uu gool u dhaliyay xalay.

Salah ayaan xalay u dabaal dagin goolkii uu ka dhaliyay Napoli taas oo su’aal galisay taageerayaasha Liverpool sababta uu u dabaal dagi waayay.

Mid kamid ah taageerayaasha Liverpool ayaa soo qoray:

“Waa maxay sababta Mohamed Salah uusan ugu dabaal dagayn goolashiisa?, mid kale ayaa ugu jawaabay: “Dhab ahaan Salah ma jecla inuu u dabaal dago goolasha”.

Taageere kale oo la yaaban dhaqanka cusub ee Mohamed Salah ayaa soo qoray:

“Waxaan u baahanahay qof ii sharaxa arinkaan….. Salah 3-leey ayuu ka dhaliyay Bournemouth, sidoo kale Napoli ayuu gool ka dhaliyay hadana ma dabaal dagin”.

Su’aalaha isbuucyada soo socda la waydiin doono Mohamed Salah ayaa ah sababta ka danbaysa inuusan u dabaal dagin goolasha uu dhaliyo.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles