Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Isco oo si xun ula dhaqmay taageerayaasha Real Madrid kadib guul daradii xalay! (Muxuu sameeyay?)

$
0
0

(Madrid) 13 Dis 2018 Laacibka Real Madrid ee Isco ayaa si xun ula dhaqmay taageerayaasha kooxdiisa kadib guul daradii ka soo gaartay CSKA Moscow.

Kooxda reer Ruush ayaa xalay cashir fiican u dhigtay Real Madrid kadib markii ay ku garaacday 3-0 xili lagu ciyaarayay Santiago Bernabeu.

Isco oo soo bandhigay qaab ciyaareed liita ayaa orin kala kulmay qaar kamid ah taageerayaasha Real Madrid, balse wuxuu ugu badalay inuu aflagaadeeyo.

Xiddiga reer Spain ayaa la arkay isaga oo aflagaadaynaya taageerayaasha kooxdiisa, taas oo dhalin karta inay sii kala fogaadaan isaga iyo taageerayaasha.

Dhacdadaan ayaa imaanaysa xili warbaahinta Spain ay sheegayaan in Isco uu ka tagi doono Real Madrid bisha Janaayo ama dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles