(Milan) 29 Maajo 2016. Laacibka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa muujiyey sida uu ugu faanayo bandhigii Champions League fiinaalaha ee kooxdiisa ka badisay Atletico Madrid.
Sergio Ramos ayaa daqiiqadii 15-aad hogaanka ciyaarta ugu dhiibay kulankii ka dhacay San Siro, laakiin Yannick Ferreira Carrasco ayaa bar bareeyey daqiiqadii 79-aad isaga oo u diray dheesha waqti dheeri ah isla sidii dhacday 2014 markii ay labada dhinac kulmeen.
Markan waxa ay isla tageen ilaa gool ku laadyo, walow, Cristiano Ronaldo uu dhaliyey midi go’aamiyaha ahayd hadana Luka waxa uu yiri: “Mar kale ayaan ku guuleysanay laakiin waxa ay ahayd kulan adag ilaa bilow min dhamaad. Aad ayey caawa u adkeyd maxaa yeelay waxaa jiray huur badan laakiin waan dagaalanay ilaa iyo dhamaadkii waana sameenay.”
“Aad ayaan u faraxsanahay waana faaneenaa, waan xasilooneyn gool ku laadyadii waana u qalanay. Waan raali galinayaa Atletico laakiin waan u faraxsanahay nafteena. Kani waa tartanka real Madrid, ‘Undecima.’ Koobkan waxaa iska leh Real waana sababta ay u tahay kooxda dunida ugu wanaagsan.”
Gool FM.