(Europe) 17 Dis 2018. Isku aadka wareega 16-ka ee Champions League ayaa maanta la sameeyay waxaana isku aaday kooxo waaweyn sida Juventus iyo Atletico Madrid, kulankan ayaa ah mid ka mid ah kulamada ugu xoogan ee wareega soo aadan ee 16-ka.
Juventus iyo Atletico Madrid ayaa ah laba kooxood ee marna aan hoos loo dhigi Karin awoodood, maadaama sanooyinkii lasoo dhaafay ay gaareen finalka tartankan Champions League.
Kulanka adag ee kooxaha Juventus iyo Atletico Madrid ayaa waxaa xiiso gaar ah u sii yeelaya laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo markale koox aan ahayn Real Madid ku wajahaya Diego Simeone iyo wiilashiisa.
Kooxda Atletico Madrid ayaa ka mid ah kooxaha dhibanayaasha u ah Cristiano Ronaldo marka laga hadlayo tartamada yurub kulamadii uu kaga horyimid sanooyinkii lasoo dhaafay.
Kooxda reer Spain ayaa ka mid ah kooxaha goolasha ugu badan uu ka dhaliyay Cristiano 6 kulan uu tartamada yurub kaga horyimid, wuxuuna kaga dhaliyay 4 gool, wuxuu sidoo kale ku caawiyay 1 gool kale.
Dhamaan kulamadan waxay ahaayeen derby Europe kulamadii ay soo wada ciyaareen kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid sanooyinkii lasoo dhaafay isla markaana uu qeybta ka ahaa Cristiano.
Kulankii ugu fiicnaa Cristiano Ronaldo uu ka horyimid kooxda Atletico Madrid ayaa wuxuu ahaa semi-finalka tartanka Champions League xilli ciyaareedkii 2016-2017.
Ronaldo ayaa kulankan ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid goolasha saddexleyda ah, waxayna Real Madrid guul ku gaartay 3-0, taasoo ka saaciday inay u talaabsato kulanka finalka oo ay ugu dambeyn ku guuleysatay.
Cristiano ayaa goolkiisa 4-aad ee tartanka yurub kaga dhaliyay kooxda Atletico Madrid finalkii Champions League ee 2014-tii, isla kulankaas wuxuu caawiyay gool kale.
Guulaha ugu weyn uu Ronaldo ka gaaray kooxda Atletico Madrid ayaa ah inuu kaga guuleesatay 2 jeer finalka Champions League.
Waqti xaadirkan la joogo jamaahiirta kooxda Juventus ayaa waxay ushooda u dhiibteen Cristiano Ronaldo, si uu halkiisa kaga sii wado wax qabadkiisa wanaagsan kulamadii uu kahor yimid kooxda Atletico Madrid, si ay halkooda kaga sii wadaan rajada ay ka qabaan xili ciyaareedkan ku guuleysiga tartanka xiisaha badan ee Champions League.
Gool FM.