(Liverpool) 05 Feb 2019. Ciyaaryahan Alex Oxlade-Chamberlain ayaa lagu daray shaxda kooxda kubbada cagta Liverpool ee Champions League heerkiisa bug-baxa ama knockout-ka tartankan.
Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka England ayaa dib u soo laabtay kaddib 10 bilood oo uu la maqnaa dhaawac dhanka Jilibka ah waxaana la rajaynayaa inuu Reds u safan doono ciyaaraha Koobka Horyaalladda Yurub heerkiisa kala baxa.
Oxlade-Chamberlain iyo da’yarka reer Dutch ee Ki-Jana Hoever ayaa labadaba lagu daray shaxda kooxda macallin Jurgen Klopp ee Champions League kuwaasoo lugta hore garoonka Anfield kula ciyaari doona Bayern Munich 19 bishaan Febraayo.
Kooxaha waxaa loo ogol yahay inay diiwaan geliyaan ugu badaan saddex ciyaaryahan ee u qalma marxaladda wareegga 16-ka tartankan.
Haddaba halkaan hoose ka eeg shaxda kooxda Liverpool ee kulamada bug-baxa Champions League:-
Goolhayeyaasha: Alisson, Mignolet, Kelleher*, Grabara*
Difaacyada: Van Dijk, Lovren, Gomez*, Matip, Alexander-Arnold*, Robertson, Moreno, Camacho*, Hoever, Phillips*, Johnston*, Masterson*.
Khadka Dhexe: Fabinho, Keita, Wijnaldum, Henderson, Milner, Oxlade-Chamberlain, Lallana, Jones*, Chirivella*
Weerarka: Salah, Mane, Firmino, Shaqiri, Sturridge, Origi, Brewster*.
Gool FM.