Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Paris Saint-Germain nagama guuleysan karto” – tababare Solskjær

$
0
0

(Champ’ League) 12 Feb 2019. Macalinka reer Norway iyo kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjær ayaa aaminsan in kooxdiisa Red devils ay garaaci karto, koox kasta ee kahor imaada, wuxuuna hadalkiisan imaanayaa kahor kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Paris Saint-Germain.

Manchester United ayaa ku martigelin doonta caawa kooxda Paris Saint-Germain garoonka Old Trafford, si ay u wada ciyaaraan lugta hore ee wareega 16-ka tartanka Champions League.

Tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa shirka jaraa’id uu kasoo muuqday kahor kulankan wuxuu ku sheegay:

“Manchester United way ka guuleysan kartaa koox kasta, waxaan kalsooni weyn ku qabnaa ciyaar kasta oo aan ciyaareyno, haatanna waxaan diirada saareynaa kulanka PSG”.

“Waa inaan diirada saarnaa kulankan, waan ku faraxsanahay heerkeena haatan, waxaana sabab buuxda u ah shaqada joogtada ah ee aan soo qabanay, laakiin waa inaan sii wadnaa horumarka aan wadno”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles