(Manchester) 13 Feb 2019. Macalinka reer Norway ee kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjær ayaa qiray in Paris Saint Germain ay u qalantay guushii ay xalay ku gaartay garoonka Old Trafford.
Manchester United ayaa guuldaro 2-0 kaga soo gaartay kooxda PSG garoonkeeda Old Trafford, kulankii lugta koowaad wareega 16-ka ee tartanka Champions League, halka kulanka lugta labaad lagu ciyaari doono garoonka Parc des Princes 6-da bisha soo aadan ee Maarso.
Red Devils ayaa la kulantay guuldaradii ugu horeysay, tan iyo markii uu kooxda yimid tababare Ole Gunnar Solskjær, laakiin macalinka reer Norway ayaa qiray in PSG ay u qalantay guushan ay gaartay:
“Paris waxay u qalantay inay badiso, shaki kuma jiro”.
“Waxay u dhacday qeybtii hore sida aan filayay, labada kooxoodba waxay isku dayeen inay istijaabiyaan, waxaa jiray waqtiyo wanaagsan”.
“Laakiin sida loogu tala galay halis uma ahayn, in badana maanan gaarin xerada ganaaxa, sidaasi darteed ma aanan aheyn kuwa sameyn badan”.
“Kulankan laguma go’aamin karo xilli ciyaareedkeena, waa guuldaro aan awoodno inaan wax ka barano, waxaan ka shaqeyn doonaa inaan hormar sameyno, waxaan aadi doonaa Paris, waxaanan isku dayi doonaa inaan u ciyaaro qaab ciyaareedkeena caadiga ah”.
Gool FM.