(Yurub) 13 Feb 2019. Tababarihii hore kooxda Arsenal sidoo kalena haatan ah falanqeeye kubbadda cagta ee Arsene Wenger ayaa kaga digay Manchester United mustaqbalka mugdiga ah.
Waayeelka reer France ayaa tilmaamay in bishii malabka ahayd ee macalinka reer Norway Ole Gunnar Solskjær lasoo afjari doono dhawaan.
Hadalka Arsene Wenger ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii ay kooxda Manchester United guuldarro weyn kaga soo gaartay Paris St Germain 2-0, kulankii lugta hore wareega 16-ka Champions League ay ku wada ciyaareen garoonka Old Trafford.
Wenger oo ka falanqeenayay ciyaartan shabakada “beIN Sport” ayaa wuxuu yiri:
“PSG waxay ku guuleysatay inay xakameyso tartanka khadka dhexe, waxayna ku guuleysteen inay soo ceshadaan kubado badan, halka Manchester United ay ku fashilantay in ay soo kabsato”.
“Marka aad ku ciyaareyso garoonkaaga, isla markaana aadan awoodin inaan kubada heysato, ama aad dib u hesho kubadaha, waa dhibaato weyn, taasna waa waxa ku dhacay Manchester United kulankan”.
“Tirakoobyada mararka qaarkood way ku qiyaamayaan (taasoo ah 10 guul iyo hal barbaro ee horyaalka ah), bishii malabka ahayd waa lasoo afjari doono dhawaan Solskjær, kadib bilaabashadii cajiibka ahayd iyo dib u soo laabashada dhabta ah”.
Gool FM.