(Real Madrid) 14 Feb 2019. Macalinka kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa kasoo hor muuqday saxaafada, kadib marka uu soo idlaaday kulankii xiisaha badnaa ay la ciyaareen kooxda Ajax.
kooxda Real Madrid oo marti ahayd ayaa awooday in 1-2 guul ay kala soo laabato dhigeeda reer Holand ee Ajax, macalinka reer Argantina ayaa ciyaarta kadib sida caadiga ah kala hadlay saxaafada dhoowr arimood waxyaabihii uu ka hadlayna waxaa ka mid ahaa;
“Shaki la’aan waxaan ogeyn sida aan u ciyaareyno kulankan, waan dhibtoonay balse markasta waxaan ahayn ciyaarta, waxaan sameynay fursado, waxaana awoodnay inaan dhalino goolal”.
“Waxaan sameynay wax walba oo aan ku guuleysan karnay ciyaartan, taasoo muujineysa awooda ciyaartoyda”.
“Waxaan si gaar ah ugu faraxsanahay goolkii uu dhaliyay Marco Asensio iyo qaab ciyaareedkii uu sameeyay, wuxuu ciyaaray 4 ama 3 kulan tan iyo markii uu dhaawaca kasoo noqday”.
“Wuxuu ahaa kulan aad u adag, balse ciyaartoyda oo dhan waxay sameeyeen dadaal aad u weeyn, hadii aysan sidaas sameyn lahayn ma aysan guuleysan lahayn”.
“Kani waa tartanka Champions League, kooxaha qeybta ka ah wareegan dhamaantood waa kuwo aad u xoogan, waxaan sameynay dadaal badan, waxaan ku dadaalnay inaan badino”.
Gool FM.