Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

“Juventus waxay awood u leedahay inay ku guuleysato Champions League”

$
0
0

(PSG) 20 Feb 2019.Tababarihii hore kooxda Manchester Unitedee ee Jose Mourinho ayaa xaqiijiyay in Juventus ay ku guuleysan karto xilli ciyaareedkan tartanka Champions League.

Juventus ayaa caawa marti ugu noqon doonto  kooxda Atletico Madrid garoonka Wanda Metropolitano, si ay u wada ciyaaraan kulan lugta hore wareega 16-ka tartanka Champions League.

Hadaba Mourinho ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay in Juventus ay awoodo inay ku guuleysato tartanka Champions League.

“Juventus waxay ku guuleysan kartaa Champions League xilli ciyaareedkan, sababtoo ah waxay heystaan tayada iyo khibrada ay sidaas ku sameyn karaan, laakiin hadii ay ku haraan wareegan layaab iguma noqon doonto”.

“Juventus waxay wajihi doontaa koox weyn oo hami leh, Atletico Madrid waxay sameysay maalgashi weyn xagaagii lasoo dhaafay”.

“Atletico Madrid waxay rajeyneysaa inay ku ciyaarto garoonka Wanda Metropolitano finalka Champions League, waxay heystaan ciyaaryahano dhanka weerar ee cajiib ah waxayna sameyn karaan isbedel weyn”.

“Waxaan u maleynayaa in Juventus ay ku guuleysan karto Champions League ama ay kaga hari karto tartanka wareegan”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles