(Madrid) 21 Feb 2019. Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone ayaa sharaxaad ka bixiyay sababtii uu xalay Xaniinyaha u qabsaday ciyaartii ay 2-0 uga adkaadeen Juventus lugta hore ee wareega 16-ka Champions League.
Macalinka reer Argentina oo awalba lagu yaqiinay dabaal dega waalida ah ayaa markale si xamaasad leh u dabaal degay isagoona qabsaday Xaniinyaha.
“Dabaal degan waxaan sameyay anigoo ciyaaryahan ah kulankii Lazio vs Bologna markale ayaana sameeyay iminka si aan taageerayaasheena ugu muujiyo inaan Xaniinyo leenahay/Raganimo,” Simeone ayaa sidaa yiri.
“Ulama jeedin taageerayaasha kale waxaan ku jeeday dhanka taageerayaasheena.
“Ma ahan tilmaam fiican waan qirsanahay midaa, balse waxaan dareemayay rabitaanka inaan sidaa sameeyo, wuxuu ahaa kulan adag, si adag ayaan u dagaallanay Diego Costa dhabtii si adag ayuu u shaqeeyay isagoon xitaa 100% taam u ahayn kulanka. Waa inaan muujiyaa waxa aan dareemayay.
“Waan ka raali galinayaa haddii uu qof ka carooday dabaal degeyga, laakiin waa wax qalbigeyga ka yimid.”.
Gool FM.