( Yurub ) 7 March 2019 kooxda manchester United ayaa xilfaha u qaaday kooxda PSG iyada oona uga adkaatay 3-1 balse wadarta goolasha ee labada kulan ayaa ah (3-3) United ayaa kus oo baxday qaab sharci ah iyada oo loo fiirinayo goolasha ay bananka ku soo dhalisay .
Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan kooxda Manchester United ayaana la timid labo gool qeebtii koowaad ee ciyaarta wallow laga kubad qurux badnaa .
Romelu Lukaku ayaa furay goolka koowaad ee kooxdiisa daqiiqadii 2-aad ee ciyaartaba kaddib markii ay qald sameeyeen daafacyada kooxda PSG , kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayey ee PSG ayaa sameesay weeraro aad ubadan ugu dambeena waxa ay heleen goolka bareejada waxaana u dhaliyey daafac dambeedka bidix juan Bernat daqiiqadii 12-aad ee ciyaarta waxaana goolkaas caawiyey Kylian Mbapp.
Romelu Lukaku ayaa markale ka faa’ideysaty kubad ka fara baxsatay goolhey Gianluigi Buffon waxa uuna ciyaarta ka dhigay 2-1 , qeebtii koowaad ee ciyaarta ayaana lagu kala maray United oo labo gool la horkaceysa iyo PSG oo la timid gool .
Nasiini kaddib waxa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta xili ciyaartoyda labada koox ay soo qaateen taalooyin wax ku ool ah .United ayaa sameesay dadaalo badan wallow kooxda PSG ay sameesay difaacsho diican .
dhamaadkii ciyaarta kooxda Manchester United ayaa heshay rigoore waxaana u dhaliyey Rashfor natiijada ciyaarta ayaana noqotay (3-1) , ciyaartoyda PSG waxaa ku dhacay niyad jab iyo layaab waxaan ka soo haray in ay qabsadaan madaxyada .
ugu dambeen ciyaarta ayaa ku dhamaatay (3-1) balse marka laga eego wadarta goolasha ee labada kulan ayaa ah (3-3) Manchester United ayaana ugudubtay wareega xiga ee siddeeda tartanka Champions league.
0
GOOL FM