(Yurub) 07 Maarso 2019. Tababaraha kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjær ayaa shaaca ka qaaday doorka ay Real Madrid iyo Ajax ka ciyaareen inay u soo baxaan wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Champions League.
Kooxda Manchester United ayaa guul dahabi ah kaga soo gaartay Paris Saint-Germain garoonkeeda Parc des Princes 3-1, xili kulankii lugta hore ay ku soo badisay kooxda reer France 2-0.
Hadaba tababare Ole Gunnar Solskjær ayaa ciyaarta kadib kala hadlay saxaafada dareenkiisa farxadeed kadib guusha taariikhiga ah ay ka gaareen kooxda PSG wuxuuna yiri:.
“Manchester United ma ahayn kooxda loo saadaalinayay inay guuleysan doonto kulankan, laakiin guushan waa mid munaasab ah, iyadoo ay ciyaarta qeyb ka ahaayeen dhowr ciyaartoy ee da’ayar ah”.
“Waxaan soo galnay ciyaarta iyadoo aysan jirin waxaan ku guuldareysan doono, waxaan u sheegnay iyaga, sameeya waxa aad awoodaan, laakiin waa inaan sameynaa difaacasho fiican isla markaana aan u orodnaa, si aan horey loo sameynin, waxaan heli doonaa fursado ee ka faa’ideysta”.
“Waxa ka dhacay kulankii Real Madrid iyo Ajax waa mid ka mid ah waxyaabaha aan ka wada hadalnay ciyaarta ka hor, waxaana ugu dambeyntii ku guuleysanay inaan sameyno habeen gaar u ah kooxda Manchester United”.
Gool FM.