(Manchester) 07 Maarso 2019. Geesiyaashii guusha lama filaanka ah ka soo qaatay kooxda ka dhisan Paris ee PSG ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Manchester.
Inkastoo ay United horey u sameysay soo laabashooyin lama filaan ah misane way yareyd inta xalay aaminsaneyd inay u soo gudbi karaan Sideed dhammaadka Champions League kaddib markii 2-0 looga soo adkaaday lugtii hore iyagoo gurigooda jooga.
Yeelkeede, 3-1 ayay ku soo adkaadeen kaddib markii ay heleen Rigoore muran ku jiro daqiiqadii dhimashada ee ciyaarta lagu daray.
Haddaba Geesiyaasha guusha kala soo laabtay Faransiiska ayaa dib ugu soo laabtay Manchester.
DAAWO SAWIRRO:
Gool FM.