Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Kooxaha u soo baxay wareega 8-da Champions League, sida ay isugu aadi karaan, Saacada la sameynayo isku aadka iyo wax kasta oo aad u baahan tahay

$
0
0

(Europe) 14 Maarso 2019. Waxaa xalay soo idlaaday wareega 16 ka Champions League iyadoo ay si sahlan ku soo bexeen Barcelona iyo Liverpool.

Haddaba waxaa berito oo Jimco ah la sameyn doonaa isku aadka wareega sideed dhammaadka Champions League.

Halkan ka aqriso xog kasta oo aad ugu baahan tahay isku aadka.

Waa kuwee 8-da koox ee soo baxay?

Barcelona, Juventus, Man United, Liverpool, Man City, FC Port, Tottenham iyo Ajax

Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka halkeesa lagu sameynayaa?

Isku aadka wareega sidaada ayaa la sameyn doonaa berito oo Jimce ah marka ay saacada dhankeena tilmaameyso 2:00 Duhurnimo, isku aadka ayaa lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Sidee isugu aadi karaan kooxaha?

Kooxaha ayaa isugu aadi doona si kasta iyo nuuc kasta oo ma jiro sharci la ilaalin doono sida in la kala weeciyo kooxaha isku dalka ka yimid, Tusaale ahaan way isku aadi karaan afarta koox ee ka socota Ingiriiska, Man United, Man City, Liverpool iyo Tottenham.

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada sideed dhammaadka Champions League?

Lugta hore ee wareega sideed dhammaadka ayaa la ciyaari doonaa April 9 iyo 10 halka lugta labaad la ciyaari doono usbuuc kaddib April 16 iyo 17 .

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles