Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Manchester United oo doonaysa inay la soo wareegto xiddigii xilli ciyaareedkii hore ka reebay Champions League

$
0
0

(Yurub) 14 Maarso 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay indhaha ku hayso inay la soo wareegto xagaagan weeraryahanka kooxda Sevilla ee Wissam Ben Yedder.

Ben Yedder ayaa kooxda Sevilla kaga soo biiray Toulouse xagaagii 2016, xiddiga reer France ayaana dhaliyey 66 gool 126 kulan oo uu u saftay kooxda reer Spain tartammada oo dhan.

Xilli ciyaareedkan, 28-sano jirkaan ayaa dhaliyey 26 gool 42 kulan oo uu u ciyaaray kooxda ka dheesha horyaalka La Ligaha Spain, waxaana goolashaas ku jira 7 gool oo uu ka dhaliyey kulammada Europa League.

Sida uu warinayo warsidaha Calciomercato, bandhigga uu sameynayo Ben Yedder ayaa soo jiitay kooxda Man United, waxaana ay u soo dhaqaaqi karaan saxiixiisa suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Weeraryahankan Ben Yedder ayaa labo gool ku dhaliyey garoonka Old Trafford xilli ciyaareedkii la soo dhaafay taasoo sababtay in Red Devils ay ku harto wareegga 16-ka koobka Horyaallada Yurub ee Champions League.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles