(Madrid) 29 Sebt 2016 – Kooxda Atletico Madrid ayaa guul ka gaartay naadiga Bayern Munich oo marti u ahayd kulan ka tirsan guruubka D ee Champions League.
Yannick Carrasco ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Atletico Madrid 35’daqiiqo qeybtii hore, sidaas ayaana lagu kala nasay Bayern Munich oo lagu hoggaaminayo 1-0.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Bayern Munich waa ay ku guuldarreysatay inay goolka barbaraha la timaado, waxaana Atletico gool ku laad (Rigooge) birta ku dhigtay Antoine Griezmann, sidaas ayaana 1-0 looga adkaaday Bayern Munich.
>- Kooxda macallin Carlo Ancelotti ayaa la kulantay guudarradii ugu horreysay ee xilli ciyaareedka.
>- Tababare Carlo Ancelotti ayaa la kulmay guuldarradiisii ugu horreysay isagoo macallin u ah kooxda Bayern Munich.
>- Micnaha macallin Ancelotti maba laga adkaan xalay ka hor tan iyo markii uu hoggaanka u qabtay kooxda Bayern Munich, guuldarradaasna waxaa baday naadiga Atletico Madrid.
>- Laacibka kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann labadii rigoore ee uu tuuray UEFA Champions League labadaba waa uu khasaariyey, waana kulamadii ay la kala dheeleen Real Madrid iyo Bayern Munich.
Halkaan hoose ka daawo goolasha kooxaha Atletico Madrid 1 – 0 Bayern Munich:-
Dhinaca kale kooxaha FC Rostov iyo PSV Eindhoven ayaa kulan ka tirsan guruubka D ee Champions League waxa ay isla dhaafi waayeen barbaro 2-2.
Halkaan hoose ka daawo goolasha kooxaha FC Rostov 2-2 PSV Eindhoven:-
Gool FM.