Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Rikoorradii laga diiwaan geliyey kulankii waallida ahaa ee xalay dhex-maray kooxaha Manchester City iyo Tottenham

$
0
0

(Yurub) 18 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa kulan waali ahaa oo xalay ay la qaadatay naadiga Manchester City kaddib u soo baxday afar dhammaadka Champions League.

Kulanka lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League oo ka dhacay garoonka Etihad waxaana uu ku soo dhammaaday 4-3 ay ku adkaatay Man City laakiin Spurs ayaa farqiga goolasha 4-4 ku soo gudubtay.

Waxaa kulanka kooxda Man City afar gool u kala dhaliyey labo gool Sterling 4’daqiiqo iyo 21’daqiiqo, B.Silva 11’daqiiqo iyo Aguero 59’daqiiqo, halka Spurs ay saddexda gool ka kala heshay Son 7’daqiiqo iyo 10’daqiiqo, halka uu Llorente 73’daqiiqo raacsaday waana goolka dilay Sky Blue.

Haddaba qaar ka mid ah rikoorradii kulankan ayaa halkaan hoose idin kula wadaagaynaa:-

>- Spurs waa kooxdii todobaad ee Ingiriis ah ee gaarta afar dhammaadka Champions League kaddib markii dib habayn lagu sameeyey tartankan, waxaana kaga horreeyey kooxaha Manchester United, Manchester City, Liverpool, Leeds, Chelsea iyo Arsenal.

>- Tani waxa ay noqonaysaa markii ugu horreysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2008-09 oo ay labo kooxood oo ingiriis ah gaartaan Semi-finalka Champions League, kaddib markii ay 2008-09 afar dhammaadka tartankan gaareen kooxaha reer England ee Chelsea, Arsenal iyo Man Utd, inkastoo ay sanadkaan Barcelona qaaday koobka.

>- Spurs ayaa gaartay markii ugu horreysay afar dhammaadka Champions League, waana markeedii labaad oo ay gaarto Semi-finalka tartankan oo la horay jiray European Cup tan iyo 1962-kii.

>- Sergio Aguero ayaa gool ka dhaliyey siddeed dhammaadka Champions League markii ugu horreysay xirfaddiisa ciyaareed.

>- Kevin De Bruyne waa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee ugu yaraan saddex caawin ka sameeya siddeed dhammaadka Champions League tan iyo Ryan Giggs oo afar caawin ka sameeyey kulankii dhexmaray Manchester United iyo Roma sanadkii 2007.

>- Kaliya afar ciyaaryahan ayaa saddex caawin ka sameeyey tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay kala yihiin; Jordi Alba (vs. Spurs), Achraf Hakimi (vs. Atletico), Leroy Sané (vs. Schalke) iyo Kevin De Bruyne (vs. Spurs).

>- Kulankii xalay dhexmaray kooxaha Man City iyo Spurs waa kulankii ugu horreeyey Champions League ee ka dhaca gudaha Ingiriiska oo shan gool la iska dhaliyey qeybta hore ee ciyaarta tan iyo bishii Maarso sanadkii 2005, markaasoo ay Chelsea ku hoggaamisay Barcelona 3-2 inta aan la aadin qeybta nashada kulankaasoo ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

>- Afartii gool lagu dhaliyey 11-kii daqiiqo ee ugu horreeyey ciyaartan dhexmartay kooxaha Manchester City iyo Tottenham waa afartii gool ee ugu dhaqsiyaha badnaa ee ebid laga dhaliyo hal kulan oo Champions League.

>- Manchester City ayaa ku guuldarreysatay inay gaarto afar dhammaadka Champions League saddex xilli ciyaareed oo uu kooxda hoggaaminayo macallin Pep Guardiola, 2016/17, waxa ay ku hareen 16-ka, 2017/18, waxaa lagu reebay siddeed dhammaadka si la mid ah xilli ciyaareedkan 2018/19 oo ay ku hareen Quarter-finalka.

>- Xiddigaha goolasha ugu badan Champions League u dhaliyey kooxda Liverpool, waxa ay kala yihiin; Steven Gerrard (21 gool), Roberto Firmino (14), Mohamed Salah (14) iyo Sadio Mané (14).

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles