(Yurub) 18 Abriil 2019. Waxaa xalay la xaqiijiyey oo dhammaystirmay afarta kooxood ee u soo baxday afar dhammaadka Champions League, waxaana ay kala yihiin, Ajax, Barcelona, Tottenham iyo Liverpool.
Haddaba waxaan eegeynaa sida ay ku kala ciyaari doonaan kooxahan lugta hore ee semi-finalka Champions League iyo weliba lugta labaad iyo taariikhda kulamadaas la dheeli doono.
Lugta hore waxaa bilaabi doona kooxaha Tottenham iyo Ajax, waxaana kulankan uu ka dhici doonaa Magaalada London gaar ahaan garoonka Spurs marka ay taariikhdu tahay 30 bishan April.
Sidoo kale lugta hore ee afar dhammaadka Champions league ayey kooxda Liverpool booqan doontaa garoonka Camp Nou ee naadiga Barcelona 1 bisha May ee soo aaddan.
Kulanka lugta labaad ee kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa ka dhici doona garoonka Anfield ee kooxda reer England 7 bisha May ee soo socota, halka kulanka lugta labaad ee Tottenham iyo Ajax uu ka dhici doona dalka Holland 8 bisha May.
Waxaad u baahan tahay inaad maanka ku hayso markii ugu dambeysay oo heerka bug-baxa Champions league iyadoo lagu ciyaarayo garoonka Camp Nou safka horena uu ku soo bilowday Lionel Messi ay Barca khasaaro la kulantay inay ahayd bishii Febraayo 2007, markaasna waxaa garaacday Liverpool.
Gool FM.