Quantcast
Channel: Champ’ League – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo oo shaaca ka qaaday waxa uu Wiilkeedu u sheegay kaddib markii uu ka soo haray Champions League

$
0
0

(Turin) 18 Abriil 2019. Marka aad dhibaatooto ama murugo xun kula soo deristo qofka ugu horreeya ee aad ku carartaa oo aad wehel iyo niyad dhis ka raadisaa waa Hooyadaa, waana midda keentay in Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo uu hooyadiis maciin bido.

Warbixin lagu qoray Wargeysyadda caalamka kaddib  ciyaartii Juventus iyo Ajax 1-2 (2-3 isku celcelis ahaan) ay nus dhammaadka Champions League ugu soo gudubtay Ajax ayaa waxa ay tilmaamaysay in CR7 oo dhaliyay goolkii Juventus ciyaartii Ajax uu ku rajo weynaa in uu markiisii 4-aad ee xiriir ah uu ku guuleysto Champions League ama markii 6-aad waayihiisa.

Laakiin nasiib-darro Juventus ayaa laga reebay tartanka Koobka Hoyaallada Yurub iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay ee uu Ronaldo gaari waayo afar dhammaadka Champions League tan iyo 2010-kii, halka Ajax ay noqotay markeedii ugu horreysay tan iyo 1997-kii ee ay nus dhammaadka UEFA Champions League timaaddo.

Xiddiga reer Portugal ee Ronaldo oo murugeysan ayaa waxa uu hooyadiis Dolores Aveiro u sheegay in uu ka xun yahay inuu ka haro tartanka Yurub, sida ay Hooyadu u sheegtay Wargeyska ‘La Gazzetta dello Sport’ ee ka soo baxa Talyaaniga.

Waxa uu igu yiri: “Hooyo waan ka xumahay anigu Mucjisooyinka ma sameyn karo” ayay tiri Dolores, iyadoo xustay in wiilkeedu ku rajo weynaa inuu ciyaarta kama dambeysta ah gaaro.

Dhanka kale Mama Dolores waxa ay u hambalyeysay kooxda Ajax oo ay sheegtay in ku guuleysteen in muddo dheer kaddib ay u soo gudbaan afar dhammaadka Champions League.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2505

Trending Articles