(Manchester) 17 Okt 2016 Weerar yahanka kooxda Man City ee Nolito ayaa amaan huwiyay tababarihiisii hore ee Luis Enrique kaas oo uu ku sheegay inuu ka dhigay laacibka uu haatan yahay.
Nolito ayaa sheegay in tababare Enrique uu gacanta u galay xili uu hormar samayn lahaa ama uu dib u laabasho samayn lahaa waana xiligii uu ka tagay Barcelona isla markaana uu ku biiray Celta Vigo.
“Enrique? wuxuu ii soo baxay xili ay ahayd inaan hormar ka sameeyo xirfadayda ama aan dib u laabasho samayn lahaa” ayuu yiri Nolito.
“Waxaan wada joognay Barcelona (B) goor dambana Celta Vigo, inbadan ayuu i garab istaagay, wuxuuna iga dhigay inaan kubaddu u arko qaab fiican”.
Barcelona ayaa arbacada marti qaadi doonta kooxda Man City kulan ka tirsan wareega guruubyada ee Champions League.
Gool FM