(Europe) 20 Abriil 2019. Liverpool iyo Barcelona ayaa isu beegmay semi-final ka Champions League kulan ay wada sugayaan bahda ciyaaraha xiiseysa.
Daafaca birta ah ee Reds Van Dijk ayaa mar la waydiiyay sida uu ku celin doono Messi ayaa wuxuu qiray inuusan garaneyn sida loo joojiyo balse la arki doono waxa dhaca kulankaa.
Yeelkeede, Macalinkii hore ee Chelsea, Real Madrid, Man United, Inter Milan iyo FC Porto Jose Mourinho ayaa dar-daaran ku aadan Lionel Messi siyay kooxda Jurgen Klopp.
Macalinka Mayilka adag ayaa uga digay Liverpool inay qof u xil saaraan raacista Messi ‘Man-to-Man’.
“Messi wuxuu ku jiraa xilli ciyareed aan innaba caadi ahayn iminkana maadaama ay Ronaldo iyo Juventus tartanka ka hareen wuxuu ogyahay oo uu maanka ku hayaa inay sugeyso Kubbada Dahabka ‘Ballon d’Or.”. Mourinho ayaa sidaa u sheegay Russia.
“Way sahlan tahay in la fahmo Messi, laakiin ma sahlana in la abuuro shabaq/Qafas lagu xakameeyo isaga, maxaa yeelay dhanka Midig ayuu ka imaanayaa misane dhexda ayuu joogayaa way adag tahay.
“Marka uu Messi lugta ku hayo kubbada waad dhimatay haddaad waji ka waji uga hor timaado. Taasina waa sababta aan marna u jeclayn inaan qof saaro markaan ka hor imaado Messi, Messi waa Shabaq waana inaad abuurto Shabaq aad ku rido.”
Jose ayaa hadalkiisa ula jeeda inaan qof lagu haleyn Messi oo ay kooxda dhan raacato ama waab laga galo, mana ahan qaab ciyaareed looga bartay Jurgen Klopp inuu waab ama Daafac galo.
Gool FM.