(Yurub) 18 Okt 2016 – Kulan ka tirsan qeybta F ee Champions League ayaa caawa la ciyaaray waxaana kooxda Real Madrid ay 5-1 ku xaaqday Legia Warszawa, iyadoo dhanka kale Borussia Dortmund ay dubatay Sporting CP oo ay marti u ahayd.
Aan ku bilownee kulan dhexmaray Real Madrid iyo Legia Warszawa kooxda cad-cadka ayaa goolasha la horreysay waxaana goolka koowaad u daah furay 16’daqiiqo Gareth Bale, kaddib markii uu ka dhaliyey kubbad uu dhinac kala soo galay goosha.
Waxaana goolka labaad ay Real Madrid la timid 20’daqiiqo isla qeybtii hore waxaana kubbad uu la soo xarooday Benzema oo uu bannaanka soo dhigay laaday Marcelo, laakiin waxa ay ku sii dhacday Tomasz Jodlowiec, sidaas ayeyna shabaqa ku gashay loogu diiwaan galiyey gool iska dhalis ah.
Legia Warszawa ayaa hal gool iska soo guday, waxaana uu ahaa rigoore loo dhigay kaddib markii uu Danilo xerada ganaaxa dhexdeeda ku jilaafay Miroslav Radovic, isaga ayaana qaatay rigooradaas oo gool u bedelay 22’daqiiqo.
Inta aan la aadin qeybta nasashada ciyaarta Real Madrid ayaa hoggaanka goolasha dheereysatay waxaana kubbad laga horjoogsaday inuu dhaliyo Cristiano Ronaldo uu u dhigay 37’daqiiqo Marco Asensio kaasoo shabaqa gaarsiiyey, sidaas ayaana lagu kala nastay Real Madrid oo ciyaarta ku hoggaaminaysa 3-1.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Real Madrid ayaa goolka afaraad la timid waxaana karoos uu soo qaaday Alvaro Morata, iyadoo kubaddu dhulka gaarin laaday shabaqa dhexdhigay 68’daqiiqo Lucas Vazquez, iyadoo goolka shanaad ee Real Madrid ciyaartan uu raacsaday 85’daqiiqo Alvaro Morata, waxaana goolkaas caawiye ka ahaa C.Ronaldo, Real Madrid ayaana sidaasi 5-1 uga adkaatay Legia Warszawa.
Dhinaca kale kooxda reer Jarmal ee Borussia Dortmund ayaa 2-1 uga badisay Sporting CP oo ay marti u ahayd, waxaana labo gool qeybta hore u kala dhaliyey 9’daqiiqo Pierre-Emerick Aubameyang iyo 43’daqiiqo Julian Weigl sidaas ayaana lagu kala nastay Dortmund oo 2-0 ku gacan sarreysay kulankan.
Qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabtay Sporting CP ayaa hal gool iska soo celisay waxaana 67’daqiiqo u dhaliyey Bruno Cesar, sidaas ayeyna Borussia Dortmund guul 2-1 kaga gaartay Sporting.
Sida guruubkan F loo kala sarreeyo halkaan hoose ka eeg:-
SAWIRRO:
Gool FM.