(Europe) 02 Maajo 2019. Liverpool ayaa xalay guul darro 3-0 kala soo kulantay Barcelona lugta hore ee wareega afar dhammaadka Champions League.
Van Dijk oo dhawaan loo caleemo saaray laacibka sanadka ee Premier League ayaa xalay soo bandhigay bandhig liita iyadoo uu sabab wayn ku lahaa goolka koowaad ee kooxdiisa laga dhaliyay.
Inkastoo ay Liverpool u muuqato mid koob la’aan ku dhammeysan doonta xilli ciyaareedkan ayuu misane Van Dijk sheegay inay ku faanayaan intii ay soo qabteen.
Mar la waydiiyay laacibka inay ku dhow yihiin inay koob la’aan ku dhammeystaan xilli ciyaareedka ayuu yiri.
“Kama fikireyno midaa.
“Waxaan qaadaneynaa fasal ciyaareed fiican waxaana isku dayaynaa inaan wax ku guuleysano, haddii aan wax ku guuleysan wayno waan sii wadi doonaa shaqada.
“Waan ku faani karnaa nafsadeena, waxaan la ciyaareynaa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka sida cadna horyaalka waxaan sidoo kale la ciyaareynaa qaar ka mid ah kooxaha ugu fiican adduunka.
“Labada tartan ayaan ku jirnaa waxaana aaminsanahay in kooxo fara badan ay jeclaan lahaayeen inay maanta joogaan booska aan hadda taaganahay.”.
Gool FM.